London(Somaalinet News)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan madaxda sar sare iyo taageerayaasha Xisbiga New Ucid ayaa xalay lagu qabtay Xaafada Wembley ee ku taal galbeedka magaalada London.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe Musharaxiinta xisbiga ee u taagan jagada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan madaxda Xisbiga ee dalkan ingiriiska iyo taageerayaal fara badan iyo waliba qaarka mid ah fanaaniinta magaaladan London oo ay ka mid yihiin Farxiya Fiska, Nuurdaalacay iyo Himilo.
Dhamaan taageerayaaasha ka soo qayb galay ayaa u qushuucay sida quruxda badan ee xafladu u dhacday.
Waxaa qudbada isdaba jooga ka soo jeediyay siyaasiyiin ka mid ah madaxda xisbiga Ucid iyo waliba oday dhaqmeedyo ka tirsan jahliyada soomaaliland ee UK intaa ka dib waxaa maykarafoonka lagu wareejiyay pro. Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid wuxuuna ka hadlay inay badali doonaan wax badan isaga oo xusay inay baawarka dawlada ay shacabka gacanta u galin doonaan waxaa isna hadlay Jamaal Cali xuseen Musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ka hadlay waxyaalo badan iyo sidii u soo galay xisbigan isagoo mahad gaara u celiyay Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay inuu u hagar baxay ugana hiiliyay xisbigii Udub ee dhulka jiidjiiday.
Waxa gabo gabadii waxaa lagu soo dhaweeyay Eng Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga New Ucid wuxuuna dadweynaha ka codsaday sidii ay u bad baadiyeen Ucid markii laysku dayay in la afduube inay hada codkooda ugu hiiliyaan.
Xaflada oo ahayd mid aad u qurux badan ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay heeso cusub oo ay u qaadayaan qaar k mid ah fanaaniinta reer London oo ay ka mid yihiin Farxiya Fiska, Himilo, Nuurdaalacay iyo Xunjuf
kala soco sawirada xaflada Somaalinet News
Maxamed Miicaad Allaleh
Somaalinet News
London.
