Hargaysa(Subulahanews) Buug cusub oo la yidhaa “SOOYAAL” noociisa oo kalena
aan horey loo qorin kuna duugantahay taariikh ballaadhan oo la
hilmaamay ayaa xalay lagu daah-furay hoolka Jaamacadda Hargeysa.
Buuggan oo si mug leh uga hadlaya qaybihii laga indho-shareertay ee
taariikhdii Sayid Maxamed Cabadalla Xasan ayaa waxaa qoray
Aqoonyahanka reer Somaliland Qoraa C/raxmaan C/laahi Faarax
(Guri-Barwaaqo).
Munaasibaddii xalay lagu gardaadiyey buuggan ayaa ahayd mid dareen
gaar ah wadatay, waxaana kasoo qayb-galay dad fara badan oo isugu
jiray Aqoonyahano, Arday, Abwaano, Qorayaal iyo maamulka Jaamacadda
Hargeysa.
Intii aanu qoraagu afkiisa ula kala bixin faah-faahinta buuggan iyo
waxa uu xambaarsanyahay ayaa kasoo qayb-galayaashii munaasibadda waxaa
laga dareemayey hamuun badan oo ay u qabeen dulucda buuggan iyo
gun-dhiggiisu wuxuu yahay.
C/raxmaan-Guribarwaaqo waxa uu ka sheekeeyey waxyaabihii ku kallifay
qorista buuggan, isagoo xusay in dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba
ay tiro gaadhaysa 18 Buug ka qoreen Taariikhdii Ina Cabdalla Xassan,
balse dhammaantood ay wax badan ka tageen oo ay ka mid yihiin:
- Farriintii uu siday Ina Cabdalla Xasan markii uu Berbera yimi.
- Sababtii loo qaadan waayey ee looga hor yimi farriintaasi
- Sababtii dadka Soomaaliyeed ku kalliftay inay heshiis la
galaan Ingiriiska.
Qorayaashaasi ay qaarkood caddaanka ahaayeen inta kalena Somalida,
ayaa waxaa Somaliland kasoo jeeda oo kaliya Aw-Jaamac Cumar Ciise oo
isna buuggiisa aan la isku hallayn karin, isburin iyo been abuurna ay
ka dhex muuqdaan, isla markaana uu ku gaalaysiiyey Soomaalidii
lasocotay heshiiskana la gashay Ingiriiska.
Sidaasi daraadeed C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-Barwaaqo), waxa uu
buuggiisan SOOYAAL ku axadhay, intii uga suurowday waxyaabihii la
qariyey ee ay ku aroorayso taariikhda dhabta ah ee Maxamed Cabdalle
Xassan.
Waxa kale oo qoraagu iftiimiyey, farqiga u dhexeeya, mushaykhdii
caanka ka ahayd gayiga Somalida iyo Sayid-Maxamed Cabdalle Xasan oo
markii uu Berbera kasoo degay ka dhaadhiciyey bulshadii halkaasi ku
sugnayd inuu yahay Sheekh diinta yaqaana.
Wadaadaasi oo qaarkood ka horreeyeen Ina Cabdille Xasan, qaarkoodna ka
dambeeyeen kana mid ahaayeen Sheekh Kawniin, Sheekh Maxamed Cabdi
Makaahiil, Sheekh Madar, Sheekh Nuur Iyo Sheekh Aweys, ayuu qoraagu
carrab-dhabay in dhammaantood lagu majeerto wanaag iyo wax-qabad badan
oo ay soo kordhiyeen, taariikhdooduna ka hufantahay, waxkastoo dhaawac
ku ah diinta iyo dadnimada.
Sheekhnimada uu sheegtay Maxamed Cabdalle Xassan, waxay noqotay mid ka
degi wayday dadkii uu la noolaa, waayo waxa uu ku kacay falal gabi
ahaanba kasoo hor-jeeda diinta islaamka. Sida Dil badheedh ah, Dhac,
Basaasnimo, Laaluush, Cunista xaaraanta, Bannaysi dumar ka badan inta
diinteenu ogashaya in laga guursado iyo waxyaabo badan oo nusqaan iyo
xad-gudub ku ah diinteena suuban ee Islaamka.
Buuggan cusub ee “SOOYAAL”, qoraaguna ku lafa-guray taariikhda madaw
ee Ina Cabdalla Xassan, ayaa dhanka kalena bidhaaminaysa qaybo kale oo
taariikhdaasi ka mida oo laga been-sheegay, mid la iska indho-tiray
iyo mid gurracnaan garab lagu siiyey.
Axmed Faarax Cali (Idaajaa), waxa uu ka mid yahay ragga uu qoraagu soo
qaatay, ee ku caan baxay, bedelaadda iyo been-ka-sheegista Taariikhda
iyo Dhaqanka. Waxaanu tusaale u soo qaatay qoraal uu ugu garnaqayey
Ina Cabdalle Xasan iyo intii kasoo horjeeday. Kaasoo taageero
indho-la’aana siiyey Ina Cabdille Xasan oo qoraagu uu raaciyey in
dacwaddiisii aan la aqbalin, halka dacwadii Abwaan Cali Jaamac Haabiil
uu Ilaahay aqbalay.
Buugga oo ah mid aad u mug weyn, ayaa waxaa kaloo guud-mar kooban ku
sameeyey Abwaan Axmed Aw-geeddi. Waxaanu ka sheekeeyey hagar-daamadii
dhan walba lahayd ee uu bulshada ku hayey iyo duulllaanadii uu qaadi
jiray ee sida bahal-nimada ah uu maatida iyo cid walba ugu xasuuqi
jiray.
Waxaanu Abwaan Axmed Aw-Geeddi yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya
“Markii la yaabay ee Daraawiishi intay beesha gasho, wax xilla’ ay
sameeyeen, ayaa waliba waxaa la yidhi, nimanku way halgamayaanoo
diintay u dagaalamayaan, dabeedna waxaa yaabay nin la yidhaa Geylan
Nuur oo reer Mudug ah, wuxuu la yaabay nimankii markay soo galeen,
odayaashii gaboobay ee aan kici karayn ee aqalada hortoodii fadhiyey
waa la dilay, caruurtii yar-yarayd ee mujada ahayd ee naaska jaqaysay
waa la dilay, haweenkii uurka lahaa waa la dooxay oo waxaa la yidhi
gaalbay sidaaye halaga soo rido, dabadeedna ninkii Gaylan wuu gabyoo
wuxuu yidhi ….”
Abwaan Axmed Aw-geeddi waxa kale oo uu ka sheekeeyey hab-dhaqankii ka
baxsanaa diinta ee uu kula macaamili jiray dadka waxaanu yidhi “Si aad
Islaam u noqoto, ina Cabdalle Xasan wuxuu kaa rabay saddex arrimood,
1: Waa inaad Saalixiya noqotaa, 2: Waa inaad Darwiish noqotaa, 3: Waa
inaad xarunta timaadaa, sidaasi daraadeed labada hore haddaad tahay
oo xarunta aad u jirtid Kilomitir, waa lagu weerarayaa Gaalbaanad
tahay…”
Ina Cabdille Xasan waxaa uu xoolaha kasakow qaadi jiray dumarka,
waxaanu qabay 32 dumar ah oo Abwaaan Axmed Aw-geeddi madashii ka
yeedhiyey mid kastaba magaceeda iyo beesha ay kasoo jeedo ee ay ka
dhalatay.
Maadaama ay daraawiishi kala irdhaysay dadkii isla markaana wixii
iyaga ka hor yimi ku tilmaameen gaalo, ayaa waxa uu Abwaan Axmed
Aw-Geeddi hoosta ka xarriiqay wixii gudaha xarunta daraawiisha ka
socday waxaanu yidhi “Xarunta daraawiishta, subaxu markuu waagu baryo
waxaa ka jiray dil, xabbadbaana lala dhici jiray, waxaana ka mida
Garaad Cali, qaar fardahaa la jiidhsiin jiray, qaarna gaajaa lagu dili
jiray, waxaana marag cad u ah Suldaan Nuur oo dadkii halkaa ku dhintay
ka mid ahaa…”
Waxaa xalay uu Abwaan Axmed Aw-Geeddi ka dhawaajiyey dhacdo laga
yax-yaxay oo daraawiishtu ay ku kaceen, taasoo ahayd in dadka ay cuni
jireen, raggii ay ilkaha ula tageen ee ay cuneena uu ka mid ahaa nin
sheekh ahaa oo la odhan jiray Aw-Rufaaci.
Abwaan Axmed Aw-Geeddi waxa uu gabo-gabadii isagoo la dardaarmaya
bulshada uu yidhi “Waxaan leeyahay taariikhda (Ina Cabdalle Xasan)
dhinac qudhaa laga akhriyee, laga bilaabo caawa waa in dhinacii kale
la doonaa”.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA.SOMALILAND

