Hargeysa(Somaalinet News)-Salaadiin, Culimo-awdiin, Cuqaal iyo Odayaal ka soo jeedda Deegaamada Hargeysa, oo ku doodaya dhul aanay lahayn. waxa ay ku doodayaandhul ka tirsan gobolka Awdal oo ku sheegeen inuu ku yaal Xeebta Waqooyiga Hargeysa oo ay sheegeen in lagu Darayo Gobol aanay ka tirsanayn, dad aan u dhalana lagu deegaamaynayo. Madaxdhaqameedyadan iyo Odayaashan oo maanta shir ku qabtay Magaalada Haergeysa, ayaa sidoo kale eedaymo kulul u soo jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur,oo isagu ka hadlay xaqiiqada dhabtaa iyo dadka degan inay yihiin dad reer awdala kaasoo ay sheegeen inuu wado qorshe iska horkeen iyo xiisad ka dhex abuuraya Bulshada degen Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa iyo Gobolka Awdal ee ay Ood-wadaagta yihiin.
Sidoo kale Saaladiinta iyo Cuqaashu waxay sheegeen in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka dambeeyo kicinta muranka laga soo cusboonaysiiyay Deegaamada Waqooyiga Hargeysa ee lagu muransanyahay, doonayana inuu Dhul-balaadhsi ugu sameeyo Beesha uu ka soo jeedo ee Gobolka Awdal, taasina ay markhaati u tahay Safarkii uu dhawaan ku maray deegaamada Xeebta galbeeedka, Waqooyiga iyo ilaa Gobolka Saaxil.
Odayaasha dhulkan ku aanay lahayn ku dacwoonaya ayaa waxaa ka mid ahaa
Axmed Cawaale Cali (Laba Suule) oo ah Oday 98 jir ah oo Odayaashaasi shirka u Furay ayaa sheegay in Muranka deegaamada Waqooyiga Hargeysa Dab- lagu sii qabanayo, waxaanu yidhi “waxaan ku dhashay Xeebta oo Hargeysa laga xumo oo Ingiriisku Xukumo, Talyaanibaana ka qabsaday oo Dhulka waxba lama bedelin ee Hargeysa laga xukumayay, markii Calanka somaliyeed dhashayn waxaanu ka codaynay Ceel la helay oo hargeysaa laga xukumayay, laakiin halka maanta laga hadlayaa waxa weeye Dhul cusub oo maanta la helay oo la qaybsanayaa ma jiro, dad cusub oo maanta dhashay oo wax loo doonayaana ma jiro ee dalku waa dalkii dadkuna waa dadkii, hadaba waxaanaan yeelayn oo aanan aqbalayn Ninka Harawo u dhashay ee deegaankiisii Boorama yahay ee soo dhaafay ee Gabiley soo dhaafay ee Hargeysa yimi ee Berbera cidi nooma dhaxayso leh”.ayuu yidhi,waxaanu intaasi raaciyay “Dawladbaa dalka ka jirta oo dadkana way kala taqaanaa dadkana way kala taqaanaaye haday dawladu dadka kala jihayn waydo dalkayaga waanu xoraysan ee dawlada arintaa mustacidbaanu uga nahay”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Inanka yar ee Wasiirka ah ee dad iyo dal toona kala aqoon ee Ceel la helay intuu tegay wax iska soo qor-qortay waxaan leeyahay malaha hashii loo lisay ayaa wali irmaan, madaxweynaha waxaan leeyahay Bayaan ha soo saaro oo arintaa wax haka qabto”
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo ka mid ah Salaadiinta mushtamaca Gobolka Mardoodi Jeex ayaa isagoo tix-raacaya hadal ka soo yeedhay wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ahaa in Guddi balaadhan loo saaro Muranka Deegaamada Gobolka Maroodi-jex ee Waqooyiga, waxa uu shirkaasi ka yidhi “anigoo Tix-raaca Ninkii Wasiirka ahaa ee sida dhuumashada ah ku soo galay deegaamadaa Cabdi Geedi iyo Lughaya ee yidhi Madaxweyne meeshaa Guddi haloo saaro, adeer waxaan leeyahay meeshu maaha laba baloodh oo dumar isku haystaan ee waxa weeye Dhui Balaadhan oo 800 KM oo isku wareega oonu leenahay annagu Dhulkaa xeebta Gobolka Hargeysa ilaa xeebtiisa ilaa Gabiley cid aanu ku gor-gortami karnaa ma jirto, xuduukiisana Laanta cawda ayaanu Bari uga soo rogmanaa, Ciisene Galbeed uga rogmadaa, markaa xukuumaddu hadii ay kala xadayntii lixdankii ku dhaqaaqi waydo annaga ayaa kala xadayn doona”.
Sidoo kale Suldaan Mawliid Cali Ibraahim ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ku eedeeyay inuu ka dambeeyo kicinta Muranka ka soo kordhay Deegaamadaasi laysku hayo ee aanay ka dhicin doorashooyinkii wadanka ka qabsoomay, ishortaagayna mashaariic Kaluumaysi oo ay dad mawaadinin ahi ka fulinayeen Degmada Lughaya, waxaanu yidhi “waxa weeye raga hawshaa wada ee ka shaqaynayaa Wasiirka arrimaha gudaha oo kaliya maahee Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka dambeeya xidlhibaanaa wada, salaadiinbaa wadda, odayaalbaa wada, aqoonyahanbaa wadda, waxaana cadaynaysa Madaxweyne ku xigeenku Hargeysuu ka baxayoo halkaasuu marayoo xeebuu ka wareegay ilaa Berbera, mashruucii Kaluumaysiga ee Gobolka Maroodi-jeex lagu xareeyay ninka ka hawl-galay ee horjoogsaday weeye, in alla intii Waraaqaha soo qortayna Gurigiisa ayay fadhiistaan annaguna madaxweynaha gacanta ayaanu ka gelinay arinta waxaanan ku nidhi muranka deegaamadaa wax ka qabo, waxbaanan ka qabanayaabuu anagu yidhi, waxna kamuu qabane jawaabtii waxay noqotay in Duur ka soo wareego Koonfurta lughaya fadhiistay oo lagu Casuumay oo Cabdi Geedi la keenay dad gawaadhi lagu soo guray gacmaha u taaga lagu yidhi, markaa waxa Duur u socdaa ee madaxweyne ii dhamee leeyahay waa in Awdal Xeebtii Gobolka Maroodi-jeex Sanaaduuqda loo dhigo”ayuu yidhi.
Oday Cabdi Dhiiriye oo ka mid ahaa Odayaal hore loogu xidh-xidhay muranka Jiida khilaafku ka aloosanyahay ayaa isaguna kulankaasi ka sheegay in deegaamada dalka la kala leeyahay “Dalka waa la kala leeyahay cid walibana way ogtahay ee dhibtu waxay ka joogtaa lixdii goobood ee la garanayo ee Sanaaduuqdooda nalugu xidh-xidhay ee Maxkamada nalugu Geeyay, ilaa dharaartii dalka la xoreeyayna Nin aan waxba ka ogayn ayaa wadanka xukumayay , markaa horta hadii cid dawlada loo magacaabayo waxay ila tahay in cid dalka kala garanaysa loo magacaabo, laakiin nin aan aqoon oo yidhaahda cid waliba waxay doonayso ayaan idiin yeelayaa xukunkiisu dawladna wax uma tarayo cid kalena dan uma samaynayo ee dadkiibuu iska horgeeyay, sidaaa waxaan uga jeedaa Ninka Wasiirka ah ee halkaa soo maray anigu ma aqaane cida taqaanaa way taqaane si cadbuu dadka isaga horkeenay ee ciday u taalaa waa cidii magacawdaye nabadii iyo fadhigii lagu jiray ayuu kiciyay kaasi, kaasoo maydhanbana ka buuxaa dawladeena”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaan leeyahay oo aanu ka midaysanahay hadii qabaail la ahaana xuduudbaa u taalay dadka , hadii dawlad wadanka xukumaysa la ahaana xuduudbaa u taalay, hargeysina iyadaa waligeed ilaa Saylac xukumaysay, xuduudka Beelaha u yaalayna meel la yidhaahdo Laanta cawda oo 70 KM u jirta Lughaya ayay beeshu ku heshiisay, laakiinse maanta ninka yidhi Lafaad caabudaysaan waxaan leeyahay isagu meesha uu ku aasanyahay ha tago”.
Oday Dhiiriye waxa kale oo tilmaamay “ meeshaa waa nalugu xidhay oo waa nalugu dhacay 22kii sanadood ee Somaliland jirtayba waxaanu Ixtiraamaynay Xukunka dawlada oo maalinba Nin hayo, hadaba waxaanu leenahay dawlada dadka lixdaa goobood ee xanibnaa ee shalay Inankan yar ee soo maray yidhi Lughaya ayaa laga footaynayaa lixdii nalugu xidhayweeye , markaa waxaanu eegaynay Xadayn in loo sameeyo deegaanada, laakiin Lughaya ayaa lagugu daray anigoo Laantii cawada shishadeeda sheeganaya waxa weeye arin wax badani ku jiraan”.
Maxamed Xirsi Cawad oo ugu dambeyn Shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxaan xukuumadda leeyahay waar Balaayada lama kiciyo ee ninka Wasiirka ah ee shalay soo marayoow, deegaanka waxba kama taqaanid ee lixda goobood ee xidhnaa way xidhan yihiin xukuumaddu haday furaysana meeshii xaq u leh inay ku darto ayaa waajib ah, ninka Xabaalaha sheegayna waxaan leeyahay waad ii qirtay inay meeshu xabaalahayagii ahaayeen ee adigu meeshaad ku aasnayd ayaad tegi doontaa”
