Adis ababa-(subulahanews.com)- Madaxeynayaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan ee Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Silva kir ayaa wada hadalo toos ah waxaa ay uga bilowdeen magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethobia kadib markii mudo 2 saac ah uu shir u socday.

Hogaamiyayaashaan labada Sudan ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaalo xoogan kadib markii ay isku qabsadeen daqliga ka soo xarooda shidaalka iyo arimaha xuduudaha,

Kulankaan labada saac socday ayaa la sheegay in labadaan Madaxweyne ay kaga hadleen amaanka xuduudaha labada dal in lagu heshiiyo daqliga ka soo xarooda shidaalka iyo gobolka lagu murun san yahay ee abyee.

Inta uu kulanku  socday Al Bashiir iyo Silva kir waxay kawada hadleen in gabi ahaanba uu dhamaado qilaafka Siyaasadeed ee labada dal ka dhaxeeyo iyadoona ay sidoo kale yeelan doonan kulamo kale oo isla wada hadalkaan ku saabsan.

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook