Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya duqeyn Diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geesteen Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xaruunta J/Hoose. Goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in tiro Gantaalo ah ay ku soo dheceen Garoonka ,kuwaa oo laga maqlayay xaafadaha ay ka koobana tahay kismaayo.
Goob joogahan ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeynta lagu garaacay Kismaayo. Hase yeeshee Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Duqeynta Garoonka Kismaayo ay ku bur buriyeen Keyd Hub oo ay lahaayeen Xarakada al-Shabaab.
Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in wax khasaaro ah uusan ka soo gaarin duqeyntii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo. Cali Dheere ayaa sheegay in ujeedka duqeyntan ay Kenya ay ka leedahay uu yahay in ay niyadda ay ugu dhiseyso Ciidamada Kenya Ee ka dagaalama soomalia EE Dagaaladii ugu Dambeeyey ay Khasaaro ka soo gaartey.
Si Kastaba Duqeyntan ayaa waxa ay imaanaysaa isla maalinimadii Shalay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Garaaceen Gaoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo iyadoo dadka Deegaanka ay noo sheegeen in Garoonka Diyaaradaha ee Kismaanyo uusan mudooyinkaan shaqeyn islamarkaana Xarakada Alshabaab aysan dhigan wax u hub ah.
Bisha soo socota 16 keeda ayaa waxaa buuxsamaya Sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey markii Ciidamada Kenya ay soo galeen qaybo ka mid ah Gobolka Jubada hoose iyadoo Ciidamada weli aysan gaarin hadafkoodii ahaa qabsashada Magaalada Kismaayo ka dib markii ay la kulmeen iska cabin aad u weyn.
SUBULAHANEWS.COM
KISMAAYO

