London(Somaalinet News)-Saraakiisha ciidamada Booliiska magaalada Port Elizebet ee dalka koonfur Africa ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen koox burcad gacan ku dhiiglayaal ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaasoo dhowaan gabar Soomaaliyeed oo uur laheyd isugu daray kufsi iyo dil.
Afhayeen u hadlay Booliska magaalada Port Elizebet ayaa sheegay in baaritaan iyo dabagal dheer oo ay sameeyeen todobaadyadii u dambeeyey ka dib ay ku guuleysteen iney ugu dambeyn soo qabtaan kooxdii kufsiga iyo dilka u geysatay gabadhaasi Soomaaliyed.
Kooxdan burcada ah oo aan tiradooda la sheegin ayaa magaalada Port Elizebet waxay hoygeeda u dhaceen xili habeenimo ah gabar Soomaliyeed oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariistee marxuumad Nasro Maxamed Qamaam, iyagoo kufsaday xili ay laheyd uur sagaal bilood ah ka dibna ceejo ku dilay.
Gacan ku dhiiglayaasha ah ayaa la sheegayaa maxkamad la soo taagi doono ayna muteysan karaan xabsi daa’in haddii lagu helo dembigaasi iney galeen, waxaana falkani lagu dilay gabadaha uu qeyb ka yahay dil iyo boob lagu hayo Soomaalida ku nool dalkaasi.
Ciidamada Booliska magaaladaasi Port Elizebet ayaa sheegay in xilliga ay gacanta ku dhigayeen kooxdan dembiilayaasha ah ay ku lebisnayeen dharka ay xirtaan haweenka Soomaalida iyo indho shareer si ay u dhuumaaleystaan, iyagoo xusay in farahooda laga helay baaritaano lagu sameeyey gabadha la dilay jirkeeda, ka hor inta aan la aasin taasina ay cadeyneyso iney falkaas ka dambeeyeen.
Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur afrika gaar ahaan magaalada Port Elizebet oo ka argagaxay dhowaan markii gabadha soomaaliyed ee uurka laheyd loo geystay dilka iyo kufsiga ayaa hadda si weyn ugu farxay qabashada raggan lagu eedeeynayo iney dembigaas naxariis darada ah geysteen, waxayna ku baaqeen in dil lagu xukumo dhamaantood inkastoo dalka Koonfur afrika aanu sharci ka aheyn xukunka dilka ah.
Somaalinet News.
