Muqdisho(Somaalinet News)-Danjire Augustine Mahiga wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Somalia, ayaa sheegay in rajo ka wanaagsan tii uu xilligii hore qabay uu hadda ka qabo xaalada Soomaaliya, isagoo xusay rajadaasi uu filayo iney mustaqbalka noqoto mid intaas ka sii fiican.
“Doorashadii Baarlamanka ee gudoomiye iyo Madaxweyne cusub ay ku doorteen waxay astaan u tahay in dalka uu ka baxayo dhibaatooyinkii uu muddada dheer soo jiray, waxaana rajeynayaa in toddobaadkan la soo magacaabo Ra’isul wasaare cusub” ayuu yiri danjire Mahiga.
Mahiga oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa dhinaca kale ka hadlay xaalada iyo dagaalka ku wajahan Kismaayo, isagoo sheegay in la dhameystiray qorshaha lagu qabanayo Kismaayo, isagoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay inay yareeyaan khasaaraha shacabka kas oo gaari kara dagaalada.
Dhinaca kale, Mahiga ayaa go’aankii ka soo baxay Xisbul Islaam ee ahaa inay ka baxeen Al-Shabaab ku sifeeyey mid astaan u ah in Soomaaliya ay ka gudbeyso xaaladihii khatarta ahaa, isagoo sheegay in tani ay tahay fursad aan horay u dhicin oo loo baahan yahay in nabada looga faa’iideeyo.
“Tani waxay billow u tahay in xukuumadda cusub ay ay sameyso nidaam siyaasadeed oo wax ku ool ah iyo dib u heshiisiin ay ka qeybgalaan xubnihii ka tirsanaan jiray Al-shabaab, waana fursaddii ugu wanaagsaneyd ee soo marta Soomaaliya sanadaha burburka xalkuna wuxuu u muuqdaa inuu sidii hore ka dhow yahay” ayuu yiri danjire Mahiga
Somaalinet News.
