Hargeysa(Somaalinet News)-Safriikii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka China, ahna xubnihii ugu firinfircoonaa garabka Cali Warancadde iyo Daahir Rayaale ee Xisbiga UDUB ilaa bilowgii Khilaafka xisbigaasi Axmed Xasan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in uu ka baxay xisbiga UDUB oo uu ka tirsanaa muddo dheer, si rasmiyama ugu biiray urur siyaasadeedka WADDANI ee Mishiinadda waaweyn ku socda.
Axmed Xasan Cigaal oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel-ka Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu Masrax kale ka galo geediga Siyaasadda , ka dib markii uu burburay xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB oo nuurigiisa dhawaan lays-wadiin doono, miisaankiisii siyaasadeed daaye.
“Aniga oo ah Axmed Xasan Cigaal , kana tirsanaa xisbiga UDUB muddo dheer, waxa aan muddo burburkii ku dhacay xisbiga UDUB ee aan eegayay ururada Somaliland iyo axsaabtii hore ee Qaranka , intaanaa aan u eegayay keebaa danta dalka , dalka iyo maslaxada gooni isu taaga Somaliland khayr u leh , markii aan odorasay ee aan barnaamijkooda akhriyay , waxa ay ila noqotay ururka hadda halganka ku jira ee WADDANIGA la yidhaahdo in aan ku biiro ayaan go’aansaday”ayuu yidhi Axmed Xasan Cigaal.
Waxa kale oo uu sheegay in uu ku rejo weyn yahay in murashaxa xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cade oo ay rafiiq ahaayeen muddo dheer in uu ku biro ururka WADDANI, waxaanu yidhi “Marka ay arrini dhacdo dadku wuu kala jaan fudud yahay , waxa aan umalaynayaa dagaal dhacay baaba la kala jaan fudud yahee nina uu hore u gala nina jilibka meel ku soo aastaa , in uu nagu soo biro ayaanu Ilaahay ka rejaynayaa”ayuu yidhi.
Axmed Xasan ayaa horaantii sanadkan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u taaganyahay Musharaxa madaxweynaha ee Xisbigaasi, hase yeeshee markii uu yimi Khilaafka Xisbiga ka dhex qarxay oo salka ku hayay xulshada Musharixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee shanta sanadood ee soo socota oo hogaanka Xisbigoodu dabada ka riixayay shakhsiyaad ay kala wateen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Daahir Rayaale, ayaa meesha ka saartay rabitaankiisii ahaa inuu ka mid noqdo raga u taagan Madaxweynaha Mustaqbalka ee Xisbigaasi “Dabkii Baxayaa Dab lagu qabsadaa..”.
Warar xogogaal ah iyo hadal hayn suuqa ku jirta ayaa sheegaya in Cali Maxamed Waran-cadde oo ah Hogaamiyaha koox siyaasiyiin ah oo iminka ka samri la’ Xisbigii UDUB, la doonayo in lagala xaajoodo sidii uu u dhigi lahaa Dubaha siyaasadeed ee uu ku jabsanayo albaabkii uu Xisbiga uu musharaxa ka yahay ka soo geli doono asxaabta u soo baxda saddexda xisbi qaran ee tobanka sanadood ee soo socda ku tartami doona siyaasadda wadanka.
Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shalay Go’aan cad oo aan gabasho lahayn kala kulmay dhexdhexaadin Shir-gudoonka labada Gole ee Baarlamanku hoos ugu eegayeen cabashadiisa, taasoo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo ah Odayga wadanku af-buuxa ugaga fal-celiyay “Raali ahaada oo dadkiina dhinac ka Raaca waxba meesha udub uma yaalaane”, ka dibna markii ay soo cadhoodeen ragii la socday isagu kaga hadhay xubnaha shir-guddoonka.
Lama yaqaano naaxiyada waxyaabihii uu kala hadlay xubnaha shir-guddoonka ee dhexdhexaadintii ay wadeen midho dhali wayday, hase yeeshee ilaa 45 Daqiiqo ayuu kaga dambeeyay saaxiibadii madashii kulanka guud ka dhacay, waxaanay taasi abuurtay dareen siyaasadeed oo laga dhadhansaday in Cali Waran-cadde iyo Shir-guddoonku ka wada hadleen wax kale oo ka dhaw ama looga gudbi karo fasshilka rajadoodii mustaqbalka UDUB ee Shirgudoonku waday.
Cali Maxamed Waran-cadde oo ah siyaasi muuqaalkiisa siyaasadeed taageero badan leeyahay, isla markaana haystay fursad uu madaxweyne ku noqon karo hadii aanu xisbigiisa udub sidan noqon, ayaa la tibaaxay inay xukuumaddu diyaar u tahay inay kala xaasho tabashadiisa muruga badan la geliyay musharaxnimada udub, isla markaana doonayso inay ku qanciso qorshe kale oo uu kaga mid noqonayo Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, taasoo ah arin macquuliyada ka fog laakiinse ay dibada u soo saareen dad xogogaal u ah dhinaca xukuumaddu.
Inkasta oo musharax Cali aanu shalay Warbaahinta la hadal, isla markaana ka waji dadbay inuu sheego xaqiiqada wixii Shir-guddoonku gaarka ugula faqay iyo mawqifkiisa ku aadan natiijada lad-qabadii Saleban Maxamuud Aadan hormuudka ka aaha , hadana waxa suurto gal ah in laga dilaalay sidii uu qoriga u dhigi lahaa, loona tilmaamay dariiqa ugu haboon ee hada loo diyaariyay oo ah inuu ka tanaasulka udub, taasoo la odhan karo wuxuu dhaafsan karaa oo kaliya iyadoo miiska loo saaro dhaqaalihii adkaa ee kaga baxay Loolankii udub dhexdiisa iyo caqabadahan kale ee la hor dhigay oo lagu qiyaasi karo Boqolaal kun oo Dollar.
Hadii uu Cali sidaasi yeelo, loona dhiibo Mansab siyaasi ah o oculus , waxa horyaala laba arimood oo uu midkood ku sii tamarin doono mustaqbalka, midna rag kale oo ay UDUB ku kala tageen kaga guulaysan doono.
Waa ta koowaade Cali wuxuu banaanka ka qaadanayaa dhamaan dhaqaalihii uu geedka dheer iyo midka gaabanba ugu maray Dagaalkii uu musharaxnimada ku soo gaadhay oo ka soo bilaamaya wakhtigii ay Axmed yuusuf Yaasiin isqabteen ilaa hadda , waa ta labaade waxa uu fursad miisaankeeda leh u helayaa inuu Haanta gunteeda uga dheereeyo Maxamuud Siciid, Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Abiib Fil-fil oo ay Wasiiro ka wada ahaayeen Xukuumaddii udub ee Daahir Rayaale, laakiinse dhawaan intay udub ka baxeen Kulmiye oo wali Gurigii Madaxweyne Siilaanyo kaga yimi jooga galay si ay xilal Xukuumadda uga raadsadaan.
Source:Waaheen
