Hargeysa(Somaalinet News)-Dagaal Af iyo Adin iskugu jiraa ayaa Doraad Wasiiradda Duulista iyo Hawada Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X Cali Xasan oo isku dhinac ah iyo Ciidamadda Qaranka ee xaruntoodu tahay Madaarka Hargeysa uu ku dhex maray Madaarka Hargeysa oo ay Xukuumaddu doonaysay inay ka banayso Xerada Ciidamaddu degan yihiin ee ku taala Duleedka iyo gudaha Madaarka.
Dagaaladan kala duwan ayaa la sheegay kii ugu horeeyay inuu ka dhashay Guddi Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay banaynta Madaarka iyo Ciidanka, kaasoo gaadhay in Wasiirka Duulistu la hadlo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale isagoo uga Ashkatoonaya Ciidamadda Qaranka oo Hawl galkii ay wadeen is hortaagay, taasina waxa ay sababtay in uu labadoodii Af-ku ka xumaado isla markaan ay Hanjabaado isku mariyaan Telefoonadooda.
Khilaafka dhex maray Guddida Madaxweyne Siilaanyo Madaarka u magacaabay iyo Ciidamadda Qaranka ayaa sababay in Madaxweyne Siilaanyo uu soo dhex galo isagoo Amar ku siiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka inuu Ciidanka ka raro, taasoo uu Taliyaha Ciidanka Qarankuna fuliyay.
Isla galinkii Danbe ayuu hadana dhacay Dagaal ay gacanta iskula tageen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X Cali Xasan iyo Ciidamadda Qaranku kadib markii uu Wasiirka Madaxtooyaddu damcay inuu soo Eego Amarkii Madaxweynaha sida loo fuliyay, balse waxa Wasiirka hor istaagay Cidamadda Qaranka oo aan markaa garanayn, waxaanay Amreen inuu Xerada ka noqdo, hase yeeshee Wasiir Xirsi oo diiday ayaa isku dayay inuu Jiidho, Askartiina qoryaha ayay u baxeen.
Sida ay wararka Waaheen ka heshay dagaalkaas danbe sheegayaan Wasiir Xirsi waxa uu gaadhigiisii turuska ku dhuftay mid ka mid ah Askartii kaasoo dhaawac soo gaadhay, Askarta laftoodiina waxa la sheegay inay gacanta ula tageen Wasiirka iyo Dirawalkiisii oo markaa isku dayay inay isdifaacaan. Iyadoo la sheegay inuu Wasiir Xirsi ku muusanaabay “ma Inqilaabaa arrinku waa sidee”.
Dhacdooyinkan kala danbeeyay ayaa keenay inay xaaladdu faraha ka baxdo, waxaana isla habeenimadii oo ku beegan Habeen hore mar kale Madaxweyne Siilaanyo uga yeedhay Madaxtooyadda Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale kaasoo la sheegay inuu ku Canaantay wixii dhacay isla markaana waxa uu Amray in uu Xabsiga dhigo Askartii Wasiiradda ka hor timi.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Afar ka mid ah Askartii Ciidanka Qaranka ee Madaarka shalay loo taxaabay Xabsi ku yaala Xarunta Birjeex ee Ciidanka Qaranka kuwaas oo uu ka mid yahay Askarigii uu Wasiir Xirsi gaadhigiisa ku dhuftay, waxaana Hawl galkaas shalay fuliyay Hogaanka Hawl gelinta Ciidanka Qaranka Maxamed Saqadhi (Dabalule), oo ka mid ah Saraakiil Madaxweyne Siilaanyo magacaabay Wakhtigii uu Taliyaha ka ahaa Ciidanka Maxamed Xasan Jidhif.
Muranka Dhulka ka dhasha ee ka imanaya Xukuumadda Dhexdeeda ayaa beryahan soo badanaya waxaana isla toddobaadkan dhacay Khilaafyo masuuliyiinta Xukuumadda ku dhex maray Dhul Dan guud oo midi ku taalo Xarunta Madbacadda Qaranka Hargeysa, midina Xarunta Agoomaha Hargeysa, kuwaasoo Amaro is burinaya oo ka soo baxay Madaxtooyadda lafteedu sababeen in la hakiyo Amaradii lagu bixiyay marka hore.
Si kasta ha ahaatee Khilaafkan Gacan ka hadalka ah ee dhex maray Masuuliyiinta Xukuumadda ugu sareeya iyo Ciidamadda Qaranka oo ah mid UGUB ah ayaan la garanayn halka ay saldhigi doonto wallow hawshii Banaynta Madaarku fushay goor ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen.
Wasiiradda Qaarkood oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino dhacdadan ayaanay noo suurto gelin kadib markii uu mid ka mid ahi Telefoonkiisa naga qaban waayay
Source:Waaheen
