Hargeysa(Somaalinet News)-Wasiirka Dhalinyarada, dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta si rasmiyga ugu dhawaaqay wakhtiga la qaban doono ciyaarihii gobolada ee sanadlaha ahaa.

 

Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay u dhan yihiin dhamaan waxyaalihii loo baahnaa inay hir galiyaan ciyaaraha isaga oo sheegay in sanadkan lagu qaban doono caasimada Somaliland Ee Hargeysa.

 

Wasiirka oo arimahaas ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Waxaanu maanta oo bishu tahay 27/09/2012 maalintuna tahay maalin khamiisa aanu halkan kaga dhawaqaynaa ciyaarihii gobolada oo sanadle ah, kuwaas oo madaxweynaha iyo xukuumadiisa ugu jira ajandayaasha wax qabad ee sanad laha ah.

 

Sidaas darteed waxaanu halkan ku xaqiijinaynaa in ciyaarihii gobolada la qaban doono 15 December 2012 oo ku beegan maalin sabti ah, kuwaas oo ka furmi doona garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.”

 

Wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegey inay sanadkan ciyaaraha gobolada ka qayb gali doonaan dhamaan gobolada Somaliland oo ah 13 gobol “Wiyaaraha gobolada sanadkan waxa ka qayb gali doona sadexyo toban gobol, waxaana nasiib u yeeshay sanadkan in lagu qabto ciyaaraha gobolada Caasimada Hargeysa,shacabka reer Hargeysana waxa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan marti gelinta ciyaaraha, waxaanan ogahay in shacabka reer Hargeysa ku maamuli doonaan gobonimada iyo marti galintii lagu yaqaanay.” Ayuu yidhi wasiirka ciyaaruhu.

 

Wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaruhu waxa uu sidoo kale fariin u diray maamulka gobolada dalka kuwaas oo uu ku war geliyey inay u diyaar garoobaan ciyaaraha

 

Somaalinet News.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook