Hargeysa (Somaalinet News)-Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland ayaa sheegtay in ay joojiyeen maraakiibtii ajaanibka ahayd ee ka kaluumaysanayey xeebaha badda Somaliland.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in dhammaan ay joojiyeen Marakiibtii iyo Doonyihii Shisheeye ee Somaliland Xeebaheeda ka kaluumaysnayey.
Wasiirka oo Arrimahaasi ka hadlaya wax uu yidhi “Waxanu Maanta Cadeynaynaa Go;aan ka soo baxay Wasarada oo Dhigaya in la joojiyo Dhammaan markiibtii iyo Doonyihii rusqada ka haystay Somaliland ee ka kalumaysanayey Xeebaha Somaliland, wax noo cadaatay in dhibaato laxaad lehe ay ku hayaan Khayraadk aan la taban ee badda ku jira sida Kaluunka Ugcaantiisa ku hoos jira Dhagaxaanta waa weyn oo Shabagyo waawey ay ku ritaan, Markiibata badeena ka Kaluumaysta wax u badnaa Kuwa Masarida kuwaasi oo iskugu jiray doonyo iyo Marakiiba, Runtii go’aankani wax uu ka dhashay Baadhis muddo Socotay.”Ayuu yidhi wasiirku
Wax kale oo uu ka jawabay su’aal ahayd in Dib ay u fasixidoonan Haddii shurudaha ay soo dhigeen ay buxiyaan waxany yidhi “Haa waanu fasaxaynaa haddii ay buuxiyaan shuruudaha aanu dhigan oo ah in aanay Xeebaha u soo dhawaanin, in aanay Kaluunka Ugxaantiisa aanay qadanin, oo aanay isticmaalin shabagyada waaweyn, runtii muhiimada ugu weynina in ay Wasaradu heeshaa Gaddiidkii lagu ilaalin lahaa Shuruudahaasi.”Ayuu yidhi
Mar la waydiiyey in Kaluumaystadu soo dhaweysay Go’aankan ayaa wax uu yidhi “Haa runtii Kaluumaysatada Dalku way soo dhaweeyen Talaabadan aanu qaadnay, oo Kaluun badan ayaa dalkii soo galay,
Somaalinet News.
