fhayeenka ciidamada Militeriga Kenya Cyrus Aguna ayaa usheegay mid kamid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee ka howlgala Kenya in ciidamadooda ay xalay gudaha ugaleen magaaladda Kismaayo
Dowlada dalka Kenya ayaa goordhow si rasmi ah u sheecisay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Afhayeenka ciidamada Militeriga Kenya Cyrus Aguna ayaa usheegay mid kamid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee ka howlgala Kenya in ciidamadooda ay xalay gudaha ugaleen magaaladda Kismaayo.
Cyrus Agunda ayaa ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay haatan gacanta ku haayaan qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo, ayna ka saareen Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in magaalada ay ka galeen dhanka magaalada Xeebta ah haatana ay doonayaan in Al-Shabaab ay ka siisaarana in ay ka joogaan magaalada xarunta u ah gobalka Jubada Hoose.
Hadalkaan ka soo yeeray Kenya ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ciidamada Kenya la sheegaya in ay wax ka yar Afar kilo Mitir ay u jiraan magaalada Kismaayo isla markaana ay haatan ku suganyihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa waxay xoogooda isugu geeyeen in ay Al-Shabaab ka saaraan magaalada ay sida aad ah ugu xooganyihiin ee Kismaayo
Xigasho : Raxanreeb
