Waxaa Shalay la soo saaray imtixaanka shahaadiga fasalada Afaraad ee
Dugsiyada sare iyo fasalada Sideedaad ee dugsiyada dhexe ee Somaliland
ee sanad dugsiyeedka 2011-2012 kaa soo maalmihii u danbeeyay ay
ardaydu u dhugtaagayeen natiijada imtixaankaas. Hadaba kaalmihii u
horeeyay ee fasalada Afaraad ee dugsiyada Sare iyo sideedaad ee
dugsiyada Dhexe ee Gobolada Awdal/Selel u galay kaalinta tobanka Qof
ee ugu horeeyay gashay gabadh qudha oo ka socotay Dugsiga Hoose Dhexe
Ee Cumar Binu Khadaab oo ka mid ah dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee ku
yaala Magaalada Boorama, gabadhaas oo magaceeda la yidhaahdo Bushra
Maxamed Habane gabadhaas oo jabisay record aadu sareeya ayaa noqonaysa
ardayda qudha ee gobolka Awdal Ka soo jeeda ee kaalmaha hore u gashay
ardaydii u fadhiistay imtixaanka shahaadiga Fasalada Afaraad iyo
sideedaad ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe Ee Gobolka Awdal.
Dugsigan Hoose Dhexe Ee Cumar Binu khadaab oo ka mid ah dugsiyada
gaarka loo leeyahaya ayaa noqonaysa dufacadan dufcadii sideedaad ee ka
qalinjabisa dugsigan kuwaas oo tiradoodu dhanaayeen 80 Arday oo isku
jiray 40 Gabdhood iyo 40 Wiil kuwaas oo waliba toban ka mid ahi ay ku
jiraan kaalmaha kale ee ku xiga tobanka.
Si kastaba ha ahaatee dugsigan ayaa tan iyo intii ay galeen saaxada
tartanka waxbarasho ee Gobolka Awdal oo sanadkii Sideedaada ayaa waxa
uu maalinba maalinta ka danbaysa ku sii sinqaya sidii uu ula tartami
lahaa guud ahaan ardayda wax ka barata Dugsiyada Hoose Dhexe Ee
Somaliland waxaana dadaalaas had iyo jeeraale u taagan maamulka Iyo
Mas’uuliyiinta dugsigan oo  muujiyaya dadaal, dulqaad iyo waxqabad
muuqda kaas oo uu ugu horeeyo Maamule C/wahaab C/laahi Aadam (Boos)
iyo Tiimka isaga la shaqeeya.

 

 

 

 

 

 

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook