Hargaysa(Subulahanews)Madarasadda caanka ah ee Al-Furqaan ayaa shalay
galinkii dambe xaflad ballaadhan oo sagootin ah u qabatay 12 Arday oo
Wiilal iyo Hablo isugu jira oo ka qalin-jabiyey, isla markaana deeq
waxbarasho ka helay dalka Suudaan.
Ardaydan oo maanta u ambabaxaya wadankaasi Suudaan, ayaa waxaa
sagootintoodaasi oo lagu qabtay isla dugsiga isugu yimi Culimo,
Salaadiin, Abwaano, Waalidiin, Macalimiinta iyo maamulka dugsiga,
Arday iyo marti sharaf kale oo fara badan.
Waxaana dadkii munaasibaddaasi ka hadlay ka mid ahaa maamulaha
dugsiyada Al-Furqaan Sheekh C/laahi Cabdi Cali, Waxaanu mahad-naq
ballaadhan u jeediyey marti-sharaftii xafladda iyo ardayda, gaar ahaan
kuwa maanta u baxaya dalka Suudaan.
Sheekh C/laahi waxa uu sheegay in madarasadda Al-Furqaan ay sannadkan
ugu dambeeyey ka qalin-habiyeen Lodkii sagaalaad. Waxaanu ugu
bushaareeyey ardayda in deeqdan waxbarasho ay ka heleen Labada
Jaamacadood ee kala ah Jaamacatul Ifriiqiyal Caalamiya Iyo Jaamacatul
Axfaad.
Maamuluhu Waxa uu ka sheekeeyey doorka ay madarasadda Al-Furqaan ka
qaadatay kagana jirto waxbarashada dalka, isagtoo tilmaamay in midhaha
ugu muhiimsan ee maanta la munaafacaadsadaa ay ka baxeen dugsiyada
Al-Furaan.
Sheekh C/laahi Cabdi Cali waxa uu madashaasi ka sheegey in 12-ka Arday
oo isugu jira Wiilal iyo hablaba ay maanta u baxayaan dalka Suudaan.
Halka Todobaadka soo socdana uu qorshuhu yahay in dufcada labaadna
bixi doonto.
Maamulaha dugsiyada Al-Furaan Sheekh C/laahi Cabdi Cali waxa uu
ardaydan maanta dhoofaysa kusii sagootiyey dardaaran culus oo ka
koobnaa saddex qodob oo kala ah
- In gacanta midig iyo gaws-dambeedka lagu qabto diinteena Suuban.
- In waxbarashada lagu sabro lagana midho-dhaliyo
- In la xoojiyo Isku-duubnida Ardayda.
Suldaan Axmed-daahir Muuse oo isna goobtaasi hadal qiimo badan ka
jeediyey ayaa ka warramay faa?iidada Cilmiga, waxaanu kula dardaarmay
ardayda maanta u baxaysa Suudaan, inay ilaalashadaan diintooda iyo
akhlaaqdooda, kana feeejignaadaan waxkastoo dambi iyo dibu-dhacba ku
ah, waxaanu yidhi oo hadalladiisii ka mid ahaa “Waxaa loo baahanyahay
inaad safiiro u noqotaan Diinta, Akhlaaqda, Somaliland, Guriga iyo
madarasadda aad ka tagaysaan”
Abwaan Muuse Cali Xirsi oo ah Suugaanyahan caan ku ah had iyo goor ugu
hiiliya Hal-abuurkiisa diinta Islaamka, ayaa isaguna munaasibaddaasi
ka jeediyey Gabay aad loola dhacay oo dulucdiisu ku qotontay isla
munaasibaddaasi.
Sheekh C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ka mida culimada dalka isla
markaana dalal badan oo caalamka ah soo maray ayaa isna talooyin
dhaxal-gal ah oo dhan walba leh siiyey ardayda, waxaanu ka sheekeeyey
qisooyin dhacay oo baraarujin iyo dardaaran ugu filan.
“Inantaanu ku aragno inay nin ajanabiya la socota waanu u digi
jirnay…Soodaanta anuu waan aqaanaa, hablaha Soomaalida aadbay u
jecelyihiin,…”ayuu yidhi Sh C/raxmaan isagoo ardayda kula
dardaarmaya inay ilaaliyaan hablaha walaalahood ah ee deeqda
waxbarasho la wadaagaya.
Waxa kale oo Sheekhu ardayda u jeediyey inay wakhtiga ka
faa?iidaystaan, soona bartaan wax wanaagsan oo if iyo aakhiraba
anfaca. Isagoo dumarkana si gaara ugu dhiiri-galiyey waxbarashada,
kuwa maanta baxayana kula taliyey inay dhalmada oo aad loogu baahi
qabo ay soo bartaan.
Umal-khayr Maxamuud Cismaan oo sannadkan kaalinta koowaad ka gashay
dugsiyada hoos yimaada Qarnul-Ifriiqiya, kana tirsan ardayda maanta u
baxaysa dalka Suudaan ee ka qalin-jabisay dugsiga sare ee Al-Furqaan
ayaa munaasibaddan kalmad qiimo badan oo mahad-naq, hoga-tusaalayn,
iyo dardaaranba halkaasi ka jeedisay.
Dugsiyadan Al-Furqaan oo ah madarasadaha ugu caansan isla markaana ugu
qadiimisan dalka Somaliland ayaa waxaa sannadkii 1981-kii laga
aasaasay dalka Jabuuti, waxaanay qaybaha Somaliland la furay xilligii
dalka lagu soo laabtay. Tan iyo wakhtigaasina waxaa ka ka
qalin-jabiyey dufcaddii Sagaalaad.
HARGAYSA/SOMALILAND

