Xildhibaan Cabdi Maxamuud Gaagaale kana tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa hogaamiye-dhaqameedyada gobolada Hargeysa iyo Awdal kula taliyey inay joojiyaan hadalada dhiifta leh ee ay isku weydaarsanayaan warbaahinta, isla markaana khilaafka dhinaca degaanka ee u dhexeeya labada gobol ku dhameeyaan si nabadgelyo iyo waddaninimo ka muuqato.

Xildhibaan Gaagaale oo shalay Boorama ugu warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sidoo kale hadalada ka soo yeedhaya odayaasha beelaha Hargeysa iyo Awdal ku tilmaamay mid dheg-xumo ku ah xukuumadda iyo dawladnimada Somaliland.

Xildhibaan Gaagaale, lagana soo doortay degmada Lughaya, ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi yidhi “Waa nasiib darro in maanta oo dhawr iyo labaatan sannadood ka soo wareegtay gooni-isu-taagii Somaliland hogaamiye-dhaqameedyada nabadda iyo dawladnimada Somaliland seeska u dhigay dib ugu noqdaan dhaqan lagu meteli karo kan ka jira koonfurta Soomaaliya ee ay la degi la’dahay. Waxaan toddobaadkan oo dhan ka maqlayey warbaahinta dalka, ee cadow iyo saaxiibka Somaliland daawanayey hadallo ku saabsan khilaaf ka taagan degaanada xeebaha galbeedka, lana carrab-baabayey degmada Lughaya iyo woqooyiga Hargeysa, iyadoo hadalada loo adeegsanayey khilaafkaasi ahaayeen kuwa ay ka muuqatay cadaawad beeleed iyo kuwa degaanba, loona baahnaa in murankaasi si niyad wanaag ah cid kastaa uga hadasho.”

Xildhibaanka oo ka hadlay dhaawaca hadalka odayaasha Awdal iyo Waqooyiga Hargeysa gaadhsiin karaan midnimada beelaha Somaliland, iyo amniga guudba ayaa waxa uu yidhi “Dhulka Illaahay ninba meel ayuu dhigay, nin kastaana wuuna ka tegi, laakiin yaan ubadka iyo jiilka soo kacaya lagu beerin xumaan. Ninka Saylac deggani Laascaanood buu wax ka qabsan karaa, waana amniga tan wax lagu qabsanayaa, dadkuna ma kala maarmi karaan haddii ay wada deggan yihiin, annaga iyo “reer Cusmaan” kuma kala tegayno degaanka Lughaya, sidaa darteedna meesha ma taal in waxyaalaha ay ku hadlayeen labada dhinac odayaashoodu, anigoo qaddarin u haya labada dhinacba waxaan soo jeedinayaa inaan xukuumadda, madaxweynaha, ku-xigeenka, wasiirka Daakhiliga, iyo cid kale toona lagu xagxaganin khilaaf kolleyba dhibta ka dhalataa aanay dan u ahayn labada dhinac, loona baahan yahay in caqligu shaqeeyo si loo dhawro amniga, xasiloonida iyo dawladnimadaba, Somaliland-na haka dhigina ayaan leeyahay beelo dhul isku haysta oo aan dawlad lahayn, dadkana yaan lagu kala didinin, hadalada xun-xun, Somaliland-na way jiri doontaa hadii beelo isku hanjabaan iyo hadii kaleba.”

Hadalka Xildhibaan Gaagale ayaa ka dambeeyey hadallo kulul oo ay warbaahinta isku marinayaan qaar ka mid ah hogaamiye-dhaqameedyada beelaha ka soo kala jeeda degaanada W. Hargeysa iyo Lughaya, kuwaas oo ku saabsanaa degaanadii ammaan darada looga xayiray doorashooyinkii la soo dhaafay, iyo arrimo khuseeya xuduudaha degaanada labada gobol ee Hargeysa iyo Awdal.

 

SUBULAHANEWS.COM

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook