New York-(subulahanews.com) Dowlada Maraykanka wasaaradeeda arimaha dibada oo heyso liis dheer oo ay ku qoran yihiin kooxo diimeedyo tira badan oo ku shabadeysan in ay argagixiso yihiin waxaana kamid ah kooxda Mujahideen-e Khalq (MEK) ee dalka Iiran.
Wasaarada arimaha dibada ee dowlada Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in kooxdaan laga saaray liiska argagixisada kadib markii lagu waayay eedeemaha sheegaya in ay yihiin koox argagixiso ah.
Dowladu waxaa ay sheegtay in dabagal dheer oo lagu sameeyay koox diimeedkaan lagu waayay wax dambi ah oo sheegaya in ay tahay argagixiso ah isla markaana xiriir la leh urur weynaha al qaacida.
Maraykanka waxaa ay sheegtay oo ay baaq u dirtay shirkadaha ugu waa weyn ee dalka Maraykanka iyagoona u sheegaya in hada kadib ay la macaamili karaan koox diimeedkaan lagu magacaabo Mujahideen-e Khalq (MEK) ee ka jira dalka iiraan.
Go aankaan dowlada Maraykanka ka soo saartay koox diimedkaan waxaa ay ku sheegtay in ay u martay qaanuunka u dagsan dowlada kadib markii kooxdaan la ogaaday in ay kuna lug laheyn wax argagixiso ugu yaran mudo 10 sano oo la soo dhaafay.
Mohamed Ibrahim
Albukhaari1987@hotmail.com
subulahanews.com-Hargeisa
