Muqdisho(Somaalinet)ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta Shir jaraa’id uu saxaafadda u qabtay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xorayntii Magaalada Kismaayo iyo Fatahaadii wabiga Shabelle ee Magaalada Baladweyn, iyo Amniga magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Ku-Simaha ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan ayna la shaqeeyaan Ciidamadooda. Wuxuuna xusay in Madaxweynaha ay maanta ka wada hadleen xaaladda magaalada Kismaayo ayna isku afgarteen in loo sameeyo gobolada laga xoreeyey Al-shabaab barnaamij lagu xasilinayo, isla markaana loo samayn doono maamulo matala dhamaan dadka ku nool deeganadaas.
Dhanka kale Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraya ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya aad uga Xuntahay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii webiga Shabeelle. Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay gar gaar deg-deg ah la gaareyso dadkaas iyadoona usii marinaysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegamadaas, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha gar-gaarka inay gacan siiyaan dadka ku dhibaataysan magaalada Baladweyne.
Ugu danbayntii Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dhaga badan ayaa ka warbixiyay Istaraatijiyada ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Amisom ku qabsanayaan Magaalada Kismaayo. Isagoona tilmaamay in Ciidamada huwantu ay hadda howlo Miino-Baaris ah ka wadaan duleedka Magaalada Kismaayo wuxuuna ugu baaqay shacabka inay iska ilaaliyaan in ay qariyaan haraadiga kooxdii jabtay ee Al-shabab.








