Lonon(Somaalinet)Siyaasiga da’da yar ee Ahmed Cabdi Khaliif oo ka mid ah qurba jooga reer Awdal ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtey Hotel Jazeera oo ku yaalla galbeedka magaalada London, wuxuuna shirkiisa jaraa’id kaga waramey arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashada golayaasha deegaanka ee Somaliland iyo arrimaha ka soo cusboonaadey degaanka Lughaya.

Axmed Cabdi waxa uu ugu horeyn ka hadley doorashada goloyaasha degaanka “Somaliland maanta waxey galeysaa doorashadii afaraad ee dalka ka dhacda, doorashadani waxey kuwii hore kaga duwan tahay wax fara badan oo ay ka mid tahay Asxaabta Qaranka oo markii hore saddex Xisbi ahaa immikana maraya illaa todoba Xisbi, waxa kale oo ay kaga duwan tahay Xisbigan talada dalka haya ee Kulmiye oo ay doorashadani u tahay tii koowaad ee ay qabtaan markaa waxa laga yabaa in uu yimmaado waxyaabo badan oo aan markii hore lagu talagelin waxaase loo baahan yahay taxadir badan, feejignaan iyo in si cadaalada waafaqsan loo kala saaro Axsaabta”.

Waxa kale oo uu Siyaasigu ka hadley Komishanka Qaranka “Horta Komishankani waxa weeyi kuwii soo shaqeeyey doorashadii ugu dambeysey ee Madaxtooyada, waxaanan qabaa in ay leeyihiin khibradii iyo aqoontii ay ku maamuli lahaayeen doorashada sidaas oo ay tahay hadana waxaa looga fadhiyaa in aaney Komishanku ku kicin wax kasta oo carqaladeyn kara doorashada goloyaasha degaanka”.

Mar uu Axmed Cabdi Khaliif ka hadlayey arrinta degaanka Lughaya waxa uu yidhi “Arrintan la xidhiidha dhinaca muranka dhulka waxa weeyi wax alaaliyo wax dhul ah oo lagu muransan yahay meesha ma jiro waxaase jira fool xumo ay ka tageen Xukuumadihii hore ee soo marey Somaliland taas oo ah in dhul la iska caleemadeeyo oo la yidhaahdo dhulkaasi waa deegaan muran ka taagan yahay doorashana kama dhici karto, waxaanse leeyahay taasi waa ayaandaro weyn oo maanta u baahan in xal waara oo waliba deg deg ah Xukuumadu ka gaadho maxaa yeelley dhulkan la hadal hayo ee maanta damiciisa loo hanqal taagayo waa dhul dadkii ilaahey ku abuurey ay degan yihiin oo ay ilaashanayaan dadkaasina waxey xaq u leeyihiin in ay helaan wixii xaquuq ah ee ay dawladu siiso degaanada kale ee Somaliland sidda Waxbarashada, Caafimaadka, Faya dhawrka biyaha iyo baahiyaha kale ee aasaaska u ah nolosha bani’aadamka”.

Sidoo kale Siyaasigan da’da yar wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadley socdaalkii Wasiirka arrimaha guduhu ku tagey degaanada Xeebta gobolka Awdal waxaana uu yidhi “Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Duur waa ku mahadsan yahay socdaalka uu ku soo marey degaanka Xeebta Awdal, waxa kale oo ku mahadsan yahay warbixinta sugan ee uu u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaanan qabbaa oo aan amainsanahay in socdaalkaasi ahaa tallaabo cadaaladeed oo si dhab ah u soo taabatey xaqiiqda ka jirta degaanka Lughaya, waxaase Xukuumada laga sugayaa in ay fuliyso go’aanka wasiirka arrimaha gudaha, Sidoo kale Komishanka Qarankana waxaa la gudboon in ay sanaaduuqda lagu codeynayo geeyaan degaanka Lughaya”.

Mar ay Saxaafadu wax ka weydiisey Axmed Cabdi Khaliid Xisbiga uu immika ahaan ka tirsan yahay waxa uu yidhi “Anigu waxaan markii hore ka tirsanaa Xisbiga UDUB ee immika sii burburaya laakiin markii la furey tartanka Asxaabta tirada badan waxaan ku biirey Xisbiga UMADA ee uu hoggaamiyo Dr. Mohamed Abdi Gaboose, Sidda aad la socotaana waxaa maalhaman nalla jooga (London) wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha Xisbiga ujeedadda socdaalkooduna waxa weeyi siddii uu Xisbigu uga hawlgeli lahaa dibadda isla markaana u kasban lahaa taageerada qurba jooga reer Somaliland”.

Si kataba ha ahaatee shirkan jaraa’id ee uu maanta qabtey Siyaasigan da’da yar ee Axmed Cabdi Khaliif ayaa ku soo beegmaya wakhti ay warbaahita Somaliland aad u hadal hayso doorashada goloyaasha degaanka iyo waliba arrimaha la xidhiidha degaanka degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook