Hargaysa(Subulahanews)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta xubinamadii iyo Xisaanadii Xildhibaanimo ka qaaday afar Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Beegsi , Ikraan X Daaúud, Maxamed Cali Jibriil iyo Mahdi X Xasan Sugaal, kuwaasoo uu shirgudoonku sheegay inay fasax la’aan fadhiyadii Golaha ka maqnaadeen in ka badan 20 kal-fadhi oo uu Goluhu yeeshay.
Fadhiga Golaha Wakiiladda ee maanta Xilka lagaga Xayuubiyay afarta Xildhibaan waxa shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxaanu sheegay Xilka qaadista Afarta Xildhibaan inay u cuskadeen Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladda Somaliland oo dhigaya Mudanaha Xaadiri waaya 20 Kal-fadhi inuu Xubinimadiisa waayayo.
Waxaanu Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax xusay afarta Xildhibaan inay ka maqnaadeen sabab la’aan fadhiyadii Golaha in ka badan 20 Kal-fadhi sidaas awgeed-na ay Go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in ay Lumiyeen Xisaanadii iyo Haybadii Mudananimo.
Mudanayaasha la eryay waxay laba ka mid ahi ka soo jeedeen Xisbiga UCID, halka labada kale ee soo hadhayna ay ka soo jeedaan Kulmiye.
SUBULAHANEWS
HARGAYSA/SOMALILAND

