Hargaysa(Somaalinet)Boqor Muxumed Geelle Seed oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada reer Somaliland ayaa ka digay in colaado laga dhex abuuro beelaha reer Awdal, beelaha waqooyiga iyo galbeeka Hargeysa eek u muransan deeganada waqooyiga Hsargeysa gobolka ay ka tirsan yihiin, waxaanu sheegay in muranka ka taagan deegaanadaasi ay yihiin arrin maamul, islamarkaana aanay ku haboonayn in beeluhu ay warbaahinta iskaga jawaabaan.

 

Waxaanu intaa ku daray in khilaafka deegaanadaasi laga xayiray doorashooyinkii hore dalka uga dhacay xaalada ka oogan la dajiyay, isla markaana laga fogaado waxkasta oo isku dhacyo nabadgalyo darro abuuraya. Boqor Geelle waxa kale oo uu ku dhaliilay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay ka gaabisay go’aan ka gaadhista khilaafka maamul ee ka taagan deegaanada waqooyiga Hargeysa, isagoo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) uga digay inuu iska horkeeno beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobollada Awdal iyo Maroodijeex.

 

Boqor Muxumed Geelle Seed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay Haatuf isagoo jooga magaalada Gabiley, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga xumahay hadalada dhiifta leh ee warbaahinta ay iskaga jeediyeen Madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah ee isku haya deegaanada waqooyiga Hargeysa ee muranku ka taagan yahay gobolka ay deegaanadaasi ka tirsan yihiin, waxaan leeyahay waxaad tihiin laba beelood oo walaalo ah oo Ilaahay meel wada dajiyay, oo aan kala maari karin. Arrinka xuduudaha deegaanadaasi waa arrin maamul oo xukuumadu ka gaabisay, waxaan idin leeyahay walaalayaal haddii xukuumadu ka door-biday wax ka qabashada arrinkaasi maamul inay isku kiin daawato, waxaan idin leeyahay tolow colka Jooja, Oodina Ab-ka dhaw, intay dawlada karti u leh wax ka qabashada arrinkaasi maamul dalka imanayso walaalayaal idinku haysa seegina, wasiirka arrimaha gudaha Md Duur waaxaan leeyahay dadka walaalaha ah colaad ha ka dhex ridin iyo fidmo”.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook