Urur-Siyaasadeedka WADDANI ayaa magacaabay Afhayeenka Ururka iyo Xidhiidhiyaha Waqooyiga Maraykanka iyo Qaarada Yurub kadib markii ay yeesheen wada tashi dhammaan xubnaha fulinta ee Urur-Siyaasadeedka WADDANI.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Urur-Siyasadeedka WADDANI MD Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ogaysiin siiyay Xoghayaha Ururka, Lamaha Debeda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Ururka WADDANI waxa uu Afhayeenka Ururka u magacaabay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, halka Cabdi Sheekh Xuseen Cabdi loo magaabay Xidhiidhiyaha Waqooyiga Maraykanka iyo Qaarada Yurub.
Guddoomiyuhu waxa uu warsaxaafadeedkiisa baaq ugu diray dhammaan xubnaha kala duwan ee Urur-Siyaasadeedka WADDANI ee ku nool wadanka gudihiisa iyo debediisa inay gacan buuxda siiyaan labadaas masuul si ay hawshooda u gutaan isla markaasna ay buuxiyaan masuuliyada la saaray sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu labadaas masuul ilahay uga baryay in uu xilka u fududeeyo.
SUBULAHANEWS.COM

