Muqdisho(Somaalinet)Xisaabiyihii hore ee Qaranka Ibraahim Aadan Qaalib ayaa sheegay in doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28 November 2012-ka ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore dalka uga dhacay, isla markaana ay tahay masiirkii saddexda xisbi Qaran ee dalku ay ku soo baxayaan, waxaanu tilmaamay in doorashadani ay tahay imtixaan adag oo horyaala Komishanka doorashooyinka.
Xisaabiyihii hore ee Qaranka Mr Qaalib ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii hore ee Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii ay Komishanka ka muuqatay qaladaad maamul oo u baahan inay ka feejignaadaan.
Ibraahim Aadan Qaalib waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal khaas ah oo uu wargeyska Haatuf shalay soo gaadhsiiyay, waxaanu u qornaa sidan:- “Doorashadan deegaanku waa mid ka duwan doorashooyinkii hore oo waxa ku xidhan masiirkii xisbiyada oo ah halka ay siyaasadu ka bilaabanto, waxaanay imtixaan u tahay Komishanka, waxaana tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhici doonta 28 November 2012-ka ku xidhan saddexdii xisbi qaran ee dalku yeelan lahaa tobanka sano ee soo socda, waxa kale oo ay ahmiyad u leedahay murashaxiinta u tartamaya golaha deegaanka iyo shacbiga codkooda bixinaya. Komishanka waxa soo waajahay imtixaan aad u adag oo aan xamilayn qaladaadkii maamul ee doorashadii Madaxtooyada ee u dambaysay, waxaana isweydiin mudan in doorashadii hore Ilaahay ina badbaadiyay iyo in Komishanku ina badbaadiyay, waxaase muhiim ah in Komishanku ay ka faa’iidaystaan khibrad, in dalka ay ka qaban karaan doorasho xor oo xalaal u dhacda, mana aha in doorasho kasta la qoro shaqaale cusub oo lagu bixiyo dhaqaale badan, iyaoo haya liisaska shaqaalihii hore ee la tababaray. Waxaan soo jeedin lahaa in Komishanku bixiyo kharashka muraaqibiinta oo aan la ogolaanin in murashax kastaa uu muraaqib gaysto goobta codbixinta. Si loogu sinaado doorashada waxaa maanta Komishanka looga fadhiyaa in aanay dhicin wax is-dhaaf-dhaafin, ku shubasho iyo ku celcelin xaga codadka ahi, haddii ay dhacdo wax is dhaaf-dhaafin waxaa masuuliyadaasi qaadi doona Komishanka iyo gudoomiyaha ay geeyaan goobaha codbixinta.
Meelihii ay ka gaabiyeen Komishanku doorashadii hore ee Madaxtooyada, loona baahan yahay in wax laga qabto ayaa waxa ka mid ah:-
1. Daraasad laguma samayn sida ay gobolladu u kala duwan yihiin, tusaale ahaan gobolka Awdal waa buuraley oo sida waraaqaha codbixinta loo gaadhsiiyo ay adag tahay, taasina dib u dhac badan ayay ku keentay in deegaanada qaarkood xilligii loogu talo galay codbixintu inay codbixintu ka dhacdo, xilligana u baahan tabaabusho.
2. NGO-yadii la siiyay qandaraaska wacyigalinta, wax barnaamij ah may samayn Komishankuna kumay daba galin.
3. Awooda maamul ee Komishanku waxay ku urursanayd maamulka sare oo maamulada gobollada iyo degmooyinka waa in hoos loo daadajiyo maamulka.
4. Goobihii laga codaynayay oo aan la jeegarayn, qaarkoodna ay ku jireen qoysas.
5. Gaadiidka oo ku yaraa, komishanka iyo hantidii ay ku maamulayeen, waxaana halkaasi ka baxay kaantaroolkii lagu samayn lahaagoobaha codbixinta
6. Waa in Komishanku yeeshaa qorshe shaqo ilaa laga gaadhayo maalinta codbixinta doorashada iyo maalinkasta waxa la qabanayo.
Hadal iyo murti waxa isbadal samayn kara maamulkii ka faa’iidaysta dhaliila loo soo jeediyo”
Source Haatuf
