“Gaariye Waxa Lagu Xasuusan Doonaa Dhiiranaantii Iyo Geesinimadii Lagu Yaqaanay” Abwaan Hadraawi
Alle ha u Naxariistee waxa habeen hore ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo muddo dhawr bilood ah Xaalad Caafimaad ugu sugnaa dalkaasi, kaas oo Geeridiisa si weyn looga dareemay guud ahaan gayiga Soomaalidu dagto, gaar ahaan dalka Somaliland oo uu Abwaanku ka soo jeeday dhalasho ahaan.
Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa si weyn loogu xasuustaa Gabayadii iyo Maansooyinkii dhaxal galka ahaa ee sida muga leh uga qayb qaatay nabadayntii beelaha iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gabayadii uu tiriyey sagaashamaadkii ee ku saabsanaa Qiimaha Nabada iyo Khasaaraha Colaadu leedahay Maansadii caanka noqotay ee Ergo, ayaa waxa uu tuduc ka mid ah ku yidhi
“Laba oorya walaaliyo – ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee – marka aan ugu liito
Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo
Mar aan aayo la’aanta – seedigay ugu aaro oo
Walaashay asay qaado – mar haday aqalkayga
Haddii layga adkadiyo – hadaan raystey idhahdaba
Mar lay oohin u tahay – bal maxaan istafiiday?”
Sidoo kale Abwaanku waxa uu Miisaan ku lahaa bahda waxbarashada, isaga oo muddo dheer macalin soo ahaa, ayaa waxa uu casharo ka bixin jiray Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud.
Hadaba si aanu wax badan uga ogaano sooyaalka Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa waxa aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Abwaan Maxamed Ibraahim (Hadraawi) oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, kaas oo Marxuumka Saaxiibo dhaw ay ahaayeen mudo ku Siman 40 Sano, ayaa sheegay inuu Abwaan Gaariye Alle ha u naxariistee uu ahaa Saaxiibkii ugu dhawaa ee Dunida ku nool Maanta, kaas oo tibaaxay inay muddo dheer isku Aragti ka ahaayeen Marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray 30-kii sano ee ugu danbeeyey, kaas oo sidoo kale ka xog-waramay Wakhtigii iskugu horaysay iyo waayihii ay isla soo mareen.
Ugu horayn Abwaan Hadraawi isaga oo ka hadlaya Dareenkiisa ku Wajahan Geerida Saaxiibkiisii mudada dheer, waxa uu yidhi “Inaalilaahu wa Inaa Ilayhi Raajucuun, Waxaan Ilaahay uga baryeyaa inuu Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) inuu Naxariistiisii Jano ka Waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii iyo Qarankii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ha Alle ha inaga wada siiyo. Intaa ka dib hadii aan Kalmadayda ka yidhaahdo Geerida Abwaan Gaariye, run ahaantii isma lhi qof dunida guudkeeda ku nool oo kaaga dhawaa Abwaan Gaariye ayaa jira oo cidi iskagamay kaaya dhawayn labadayada, oo waxaanu Tirsanaynaa oo aanu Saaxiib isku dhaw ahayn mudo 40 Sano ka badan, isla markaana Xumo iyo Samo-ba waanu isla soo marnay oo markii la deganaana waanu wada fadhinay markii ay Kululaatey ee Siyaasadii iyo Nidaamkii dalka ka talinayey uu dadka xumeeyeyna dhinacbaanu uga soo wada jeedsanay”.
Hadraawi mar uu ka hadlayey Taariikh Nololeedkii Abwaan Gaariye, waxa uu yidhi “Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxa uu ku dhashay Magaaladda Hargeysa, waxaanu Waxbarashadiisii ku soo qaatey isla Magaaladda Hargeysa, isla markaana dugsigiisii Sare waxa uu ku qaatey Iskuulka Sheekh, markii danbena waxa uu u soo wareegey Jaamacadii Lafoole, halkaas oo uu si Raganimo leh ugu bartey Cilmiga Biolagy-ga oo heer ka gaadhay, markii danbe Jaamacada Lafoole ayaanu Macalimiin ka wada noqonay. Maxamed Xaashi Dhamac aragtidayadaii ugi horaysay waxaanu ku kalanay markii ugu horaysay aniga oo ka yimid Magaaladda Cadan, Intaa wixii ka danbaysay halkaas ayaanu wada joognay oo aanu Seeska ugu dhignay Xidhiidh Saaxiibtinimo, Noloshayada intii ugu badnayd waanu wada joognay Abwaan Gaariye”.
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) mar wax laga waydiiyey Waayihii ay soo wada mareen Abwaan Gaariye, waxa uu yidhi “Saaxiibkey Abwaan Gaariye Xiligii ay ugu Kululayda oo aanu isku Mawqif ka ahayn Taliskii Siyaad Barre oo isaguna imika Iga hooseeya, ka soo horjeedka aanu Nidaamkaas ka soo horjeednay waxa uu keenay inaanu wada Curino Maansadii Siinleyda, sidoo kale waxa aanu wada Curinay Maansadii Silsilada ahayd ee Deeleydii, markaa waxaanu ahayn aniga iyo Gaariye laba qof oo Saaxiib ah oo Nolasha Wadaaga, isku naf kaliyana ah. Alle ha u naxariistii Marxuum Maxamed Xaashi Gaariye waxa uu wakhtigan wax ka dhigayey Jaamacadda Hargeysa, waxaanu Bulshadda Soomaalida iyo dhalinyarada maanta jirtana waxa uu uga tagay Dhaxal, isla markaana Maadaama oo uu maanta ka tagay Caruur iyo Xaas, waxaan ku talin lahaa in la ogaado Agoontaas oo aan la dayicin. Runtii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Kaalintii uu ummadda ku lahaa iyo Waajibkiisii wuu gutey, waxaanu maanta maray wadadii Xaqa ahayd Alle ha u naxariistee”. Hadraawi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ilaahay Naxariistii Jano ha ka Waraabiyo Marxuum Gaariye, mida kale Ummaddu marka uu dhinto ayuun bay qofka ku baraarugtaa oo ay Tacsiyadaysaa, lagana waramaa taariikhdiisii iyo Wanaagiisii, Inta uu Noolyahay Cid ka war haysa iyo Cid og waxa uu ku Sugan Yahay midna ma jirto. Arintaas waxaan ku xasuustey Gabay laga tiriyey mar uu dhintey nin Muuse Galaal la yidhaahdo ayaa Cali Sugule uu gabay ka tiriyey oo uu yidhi ‘Kolkaad Guurteybay leeyihiin ina Galaalow’ . waxaan uga jeedaa qofku waxa uu u baahan yahay inta uu Noolyahay in laga warhayo Caafimaadkiisa iyo Xaaladiisa marka uu qofku sidii Abwaan Gaariye oo kale u Culusyahay, Yeelkadeede Kalgacal badan ayaa loo hayaa Maxamed Xaashi oo waa laga wada dareemay Geeridii Gayiga Soomaalida oo dhan, markaa waxaan leeyahay Alle ha u Naxariisto nin Qiimo badan ayuu ahaaye”.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) mar aanu wax ka waydiinay waxa lagu xasuusan doono Abwaan Gaariye oo habeen hore ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Magaaladda Oslo ee xarunta dalka Norway, waxa uu yidhi “Gaariye Ilaahay ha Naxariistee waxa lagu xasuusan doono cidkasta oo Soomaali ahi way ogtahay, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxa lagu xasuusan doonaa Aftahan-nimadii uu lahaa ayaa lagu xasuusan doonaa, Badheedhkii uu yaqaanay iyo Dhiiranaantii iyo Geesinimadii lagu yaqaanay ayaa lagu xasuusan doonaa. Dareenka Geeridiisa ay ka bixiyeen dhamaan Ummadda Afka Soomaalida ku hadasha oo dhami waxay muujinaysaa Qiimihii iyo Sharaftii uu lahaa, mana aha deeq la iska siiyey oo aanu lahayn ee waa Raganimadii iyo Dadaalkiisii ayuu ku helay ayaan odhan lahaa. dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland, qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay oo dhana waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo”.
Source Haatuf.
