Hargeysa (subulahanews.com) Wafti uu hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Axmed Cabdi Kaahin Casood, ayaa galabta u dhoofay Magaaladda Djabouti ee dalka Jamhuuriyadda Djabouti.
Waftigan oo uu xubin ka ahaa Murashaxa Doorashooyinka golaha deegaanka, Ahna saraakiisha sarsare ee urur siyaasadeedkaas Dr. Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) ayay ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay ugu sii gogol xaadhi lahaayeen wafti balaadhan oo uu hogaamin doono Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac.
Waftigan oo noqonaya markii ugu horeysay ee urur siyaasadeedka Xaqsoor uu gaadho Magaaladda Djabouti ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan madaxda dalkaasi, kuwaas oo ay qodobo door ah ka wada hadli doonaan.
Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac iyo waftiga uu hor kici doono oo ay u noqonayso markii ugu horeysay tan iyo intii uu siyaasadda Somaliland dib ugu soo laabtay ee uu socdaal ku tago dalka Djabouti ayaa waxa la filayaa in ay xukuumadda Djabouti kala hadlaan qodobo muhiim u ah geeska Afrika.
