Berbera(Subulahanews)waxa si toos ah uga bilaabmay Dalka Dhoofka Xoolaha Moosinka Xajka oo lagu wado inay Dekedda Berbera ka dhoofi doonaan hal Milyan oo Neef oo Xoolo ahi.

Gaadiidka ka soo qaada Xoolaha Deegaamadda Fog Fog ee ay ku Nooshahay Xoolo dhaqatadu ayaa xawli dheer ku socda, waxaanad magaalooyinka ku arkaysaa iyagoo gaadiid laba raar ahi buux dhaafiyeen Jidadka gaar ahaana Salaada Subax ka bacdi oo ay Guure ku dhaafaan.

Maxjarada Berbera ayay Barri iyo Galbeed ba kaga soo qul qulayaan Xoolo kala duwan oo u badan Neefka Madax Madow ee ay Somaliland caanka kaga tahay khaliijka ee loo yaqaano Berberaawi, waxaanay shaqaalaha iyo Dhakhaatiirta Maxjarada Berberi kala horayaan Kumanaan kun oo mar kaliya gaadiidku Duleedkooda ku rogayaan si ay u maraan Nidaamka Caafimaad ee loo dajiyay.

Masuuliyiinta Maxjarada u qaabilsan Xukuumadda Somaliland oo Waaheen la xidhiidhay ayaa sheegay inay sanadkan ka dhoofayaan Dekedda Berbera oo kaliya Xoolo gaadhaya Hal Milyan oo Neef, waxaanay xuseen in Xoolahaasi ku soo dhamaan doonaan ugu badnaan labaataneeyo cisho.

Dhoofka Xoolaha Moosinka Xajka iyo Xujaajta sanadkan soo gudanaysa waajibaadka Xajka ayaa mar kaliya safarkoodu ka bilaabmay magaalo Xeebeeda Berbera oo ay is barkadeen sanadkan Madaarkeeda Caalamiga ah oo ay ka haadayaan Dayuuradaha Xujaajta Qaadaya iyo maraakiibta Xooluhuba.

Dhaqaale buuran ayaa sanadkan ka soo gelaya Xukuumadda Somaliland Dhoofka Xoolaha, kaasoo ay ka helayso Qiimaha Maxjarada lagaga Qaado Xoolaha oo ay sanadkan ka jaf-jafteen Mulkiilayaasha Carbeed ee leh khidmad ka badan tii ay sanadadii hore ka qaadi jireen.

 

SUBULAHANEWS.COM

BERBERA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook