Garoowe(Somaalinet)Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar jidgooyo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Wafdi ka socda walaalaha Turkiga oo maalmahan ku sugnaa deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kolonyada gaadiidka ah aya xiliga weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadayeen waxey kasoo ambabaxeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaana ay kusii jeedeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug balse kooxaha weerarka u geystay waxey ku weerareen duleedka degmada Bacaadweyn.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah wafdigaasi ka socda hay’adda Tika ee dalka Turkiga oo deegaannada Puntland u tagay iney ka fuliyaan mashaariic hormarineed.

Saraakiil u hadashay maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Seddex ka mid ah Maleeshiyadii weerarka ku qaaday kolonyada ay Wafdiga Turkiga ah la socdeen iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook