Muqdisho(Somaalinet)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu Madaxweynuhu maanta ku tagay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si nabad gelyo kusoo gebagebeeyey socdaalkiisa magaalada Beledweyn ayadoona uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda intii uu ku sugnaa magaalada Beledweyn waxa uu kormeeray dadkii ay fatahaaduhu kasoo barakiciyeen guryahooda oo ku sugan duleedka magaalada waxaana uu kormeerkiisa kadib uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud baaq u diray hay’adaha iyo dalalka caalamka oo uu ka codsaday iney dadkaasi gurmad u fidiyaan,dhanka dowladana wuxuu xusay iney sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi gurmad ugu sameyneyso.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii uu ku sugnaa magaalada Beledweyn waxa uu kulan la qaatay saraakiisha ciidammada,mas’uuliyiinta maamulka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan kuwaasi oo uu kala hadlay xaalada dhabta ah ee gobolkaasi ka jirta,ra’isulwasaaraha ay jeclaan lahaayeen inuu magacaabo iyo mustaqbalka iney dadka gobolkaasi ku nool yeeshaan maamul ay ku qanacsanyihiin islamarkaana ku yimaada rabitaankooda.

Socdaalkan uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqonaya safarkii labaad ee uu magaalada Muqdisho kaga baxo tan iyo intii xilka Madaxweynaha Dalka loo doortay waxaana safarkiisii koobaad ee kan ka horeeyey uu shalay ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Source Radio muqdisho.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook