Muqdisho(Somaalinet)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kula kulmayeen  .

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee B/weyne ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada dowladda, Kuwa AMISOM iyo dadweyne aad u badan, kuwaasi oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad, waxaana uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jeedada socdaalka uu maanta ku tegay Baladweyne uu yahay mid uu diirada ku saarayo qiimeynta fatahaada webiga shabeelle oo boqolaal qoysas ka barakiciyay gudaha magaaladaasi.

Madaxweynuhu waxa uu kulamo haatan halkaasi kula qaadanayo mamulka Gobolka, Saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Ethiopia iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ka socda ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo aqoonyahanada iyo waxgaradka halkaasi ku sugan si uu ugala hadlo xaaladda magaalada iyo in ay gacan ka geystaan wax u qabashada dadka ay fatahaaduhu waxyeeleeyeen.

 

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook