Hargeysa (subulahanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magacaabay guddida qaban qaabadda Aaska Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo habeen hore ku geeriyooday Dalka Norwey.

Guddidan uu madaxweynaha Somaliland u saaray aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka kooban 10 xubnood, ayaa waxa uu faray in ay xil wayn iska saaraan sidii uu aaska Marxuumku ugu dhici lahaa sida ugu haboon.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Axmed Saleebaan dhuxul, afhayeenka madaxtooydu

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Gudi heer qaran ah ka kooban 10 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Aqoon yahano iyo Maayarka Caasimada Hargeysa u magacaabay inay noqdaan Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaana Gudoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad)

Gudigaasina waxay kala yihin:-

Ku:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddoomiye Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xubin Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Xubin Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xubin Hargeysa

Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Xubin Hargeysa

Ku: Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Xubin Hargeysa

Ku: Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi Xubin Hargeysa

Ku: Abwaan xasan Ganay Xubin Hargeysa

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye

Mudanayaal,

Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunkan.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook