Nairobi(Somaalinet)Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ugu baaqday dowladda Kenya in aysan dib u soo celinin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Madaxa MSF ee Kenya Dr. Elena Velilla oo saxaaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya u sheegay in howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab ay weli ka socdaan koonfurta Soomaaliya, xaaladda amniga ee deegaannada la xoreeyayna ay u baahantahay in si dhab ah loo xaqiijiyo.
Dr. Elena Velilla ayay ugu baaqay hoggaamiyeyaasha dowladaha ee lagu wado in ay todobaadkan ku kulmaan munaasabadda 63-aad ee guddiga fulinta UNHCR, in xilligan aysan suurta gal aheyn in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada ugu weyn adduunka ee Dhadhaab, halkaasi oo ay ku dhaqanyihiin in ka badan 650,000 (lix boqol iyo konton kun) oo qaxooti Soomaaliyeed.
MSF ayaa sheegtay in ay hooseyso xaaladaha gargaar iyo daryeel ee dadka hadda ku nool xeryaha Dhadhaab, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dargeliyo gargaar dheeraad ah oo loo fidiyo dadkaas.
Madaxa MSF ee Kenya Dr. Elena Velilla ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay ogolaato diiwaangelinta qaxootiga cusub ee halkaasi gaaraya, isagoo ku tilmaamay arrintaasi haddii Kenya ay ku adkaysato in aan la diiwaan gelinin qaxootiga cusub ay xad-gudub ku tahay heshiisyadii caalamiga ahaa ee ku aadanaa arrimaha qaxootiga 1951 iyo kii 1969 oo ay dowladda Kenya qayb ka ahayd dalalkii saxiixay.
Dhinca kale Agaasimaha guud ee MSF Bruno Jochum oo toddobaadkii hore booqday xerada Dhagaxley oo hoostagta Dhadhaab ayaa sheegay in xaaladaha ammaan ee xerooyinka ay sii xumaanayaan, iyadoo ay jirto xaalad gargaar yari ah, taasi oo uu ku tilmaamay in ay dambeysay cabsi soo wajahday shaqaalaha hay’adaha samafalka ee halkaasi ka howlgeli jiray.
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa todobaadkii tegay ka codsaday golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib dalkooda loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Source: Xinhua
