Hargaysa(Subulahanews)Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la dhaliilsan yahay hawlihii loo igmaday ee ku saabsanaa siyaasada arimaha dibada, ayaa ka hadlay hawlaha saxaafada Madaxa-banaan ee Somaliland, isaga oo sheegay inaanu jirin xeer wakhtigan shaqeynaya oo wax lagaga qaban karo khaladaad uu sheegay in saxaafadu ku kacdo.

Wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo la waydiiyay sida uu u arko xadhiga saxafiyiinta ee soo kordhaya, ayaa sheegay in taasi ay keenayso ama ay dhacayaan xili aanu jirin qaanuun hagga saxaafada, isaga oo iska indho tiraya xeerkii saxaafada ee soo baxay ee baarlamaanka iyo Madaxwaynihii hore ee Somaliland saxeexeen sanadkii 2004-tii.

Wasiirka oo shalay u waramay shabakada wararka ee Hadhwanaag, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya xadhiga saxafiyiintana waxa uu yidhi “Waxaan filayaa inay arrimahaasi yihiin arrimo ku dhacaya xili qaynuun hagi kara saxaafadda oo uu dalku leeyahay aanu jirin”

Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday “Waxay xukuumaddu arrintaas ka qaadatey lagu mashquulsan yahay ama ay hawlihiisuba socdaan qaynuun si fiican u hagi doona xuquuqda saxafiyiinta iyo saxafigaba oo doona xoriyadiisa iyo xorriyadoodaba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo hanjabaya “Iyo waxa uu yahay waajibaadkoodu marka ay ku xad-gudbaan arrimaha qaarkood natiijadu waxa ay noqon doonto, arrimahaasi waxaad mooda inaanay imika cadeyn ama ay aad u dabacsan yihiin, waana ta keenaysa isku dhaca mararka qaarkood ee saxaafada iyo kooxaha fulinta sharciga”

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook