Borama(Subulahanews)Badhasaabka Gobolka Awdal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta Booliska ee G/Awdal ayaa manta xilkii maayarnimo u kala wareejiyay laba maayar ooisku badalayay degmada Qulujeed.
Munaasabadan ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa Madaxa caafimaadka aasaasiga ah ee G/Awdal, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiinta laamaha booliska iyo D/Hoose ee Qulujeed.
Maayarka xilka Wareejinayay Sh. Cabdilaahi Ismaaciil Muruud oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inuu xilka wareejiyo 5 sano kadib Qulujeed oo degmo ah, waxana uu intan daba dhigay inuu qabtay waxqabad muuqda oo ay ka mid yihiin dhismayaasha Caafimaadka iyo D/hoose oo ay gacan ka siiyeen haween qurbo-joog ah.
Sh. Cabdilaahi waxa kale oo uu xusay inay jiraan daymo ay galeen mudadii uu xilka hayay iyo mashaariic dhinaca beeraha ah oo ay hawshoodu socoto, waxana uu ku dardaaray maayarka xilka la wareegayay inuu waajibkiisa u guntado si daacad ah.
Maayarka Xilka Tisananayay Maxamed Cali Magan Mataan ayaa waxa uu sheegay in uu sida ugu wanaagsan u gudan doono waajibkan balaadhan ee loo igmaday, waxana uu intam daba dhigay in uu ka rabo xukuumada dhexe iyo dadka degaanka labadaba inay ku garab siiyaan waajibkaasi balaadhan.
Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee G/Awdal Maxamed Cumar Yaabe ayaa isaguna sheegay inay wasaarada Caafimaadku hawlo badan ka hayso D/Qulujeed isla markaana ay sii wadi doonaan hawsha ay la hayaan degmada iyo maayarka Cusub.
Caaqil Maxamed Samaale oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa dadka reer Qulujeed ku dhaliilay inay ka gaabiyaan bixinta cashuuraha taasi la’aanteedna aanay degmada iyo maayarka la keenaaba waxba qaban karin, si tan looga baxo waxa uu dadka ku dardaaray in ay gutaan waajibka ka saran qaranimada iyo hormarka Qulukeed, sidoo kale waxa uu maayarka xilka la wareegay ku dardaaray cadaalad.
Taliyaha Qaybta Booliska ee G/Awdal Axmed Xaan Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa balanqaaday inuu gudan doono waxwalba oo uu awoodo oo dhinaca nabadgalyada ah, waxana uu yidhi “ Waxa aan soo kordhin doonaa ciidanka booliska ee degmada ka hawlgala ha noqoto dhinaca doorashooyinka ama cashuuraha ama adkaynta nabadgalyada’e waan dadaali doonaa waanan la shaqayn doonaa Maayarka cusub.
Badhasaabka G/Awdal Mud. Axmed Xadi Sidci oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Xilku waa meero, sidan waxa nafaraysa dabciga aadamiga qofba meel ayuu gaarsiiyaa hormarka. Maayarka Hore waan qiirayaa inuu wax muuqda qabtay sidoo kale Maayarka Cusub waxa aan leeyahay waxa aad tahay maayar u dhex ah dadka reer Qulujeed.
Badhasaabku isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Waxa aan balanqaadayaa inaan meel mariyo waxwalba oo igaga xidhan aniga, wasaarada arimaha gudaha iyo madaxtooyada intaba, waxa aan ku dadaalayaa inaan kabka ka maqan u soo dayno, daymaha lagu leeyahayna u dadaalno sidii loo bixin lahaa, waxa aan leeyahay dadka reer Qulujeed noqda kuwo cashuuraha bixiya maayarkiinana hormarka ku taageera”.
Maayarkana cusub ayaa noqonaya maayarkii 2aad ee xilka Qulujeed la wareega, waxana uu ku soo beegmayaa waqti degamada lagu leeyahay daymo aad u badan qabyana ay yihiin dhismayaal muhiim ah oo ka socda halkaasi, sidoo kale waxa uu la kowsan doonaa waqti ay degmadu u baahan tahay in la hormariyo dadkeedana loo wada jeediyo jiho qudha oo ah mida hormarinta degmada.
SUBULAHANEWS.COM
BORAMA/SOMALILAND

