Hargaysa(Subulahanews) Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa uga digay Ururadda siyaasadda iyo xisbiyada ka qeyb galaya doorashada deegaanka inaanay samaysan karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.
Sidaasna waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray, Noqol ka mid ahina Waaheen soo gaadhay waxanu u dhignaa sidan:-
“Waxa laydin ogaysiinayaa in aanay ururada iyo Xisbiyada ka qayb galaya Doorashada Golayaasha Deegaanku aanay samaysan Karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.”Ayuu yidhi Guddomiyuhu.
Arrintan ayaa ka danbeysay ka dib markii Musharixiin ka mid ah Musharixiinta ka qaybgalaysa Doorashada Golaha deeganku ay sheegen in ay haystaan Tirada Numberada ay ku galayaan doorashada, iyada oo la fillanyo in maalinta Barri ah komishanku soo saaran Numberada Saxda ah ee Xildhiban kasta leeyahay.
HARGAYSA/SOMALILAND

