Muqdisho(Somaalinet)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirro ka tirsan Dowladda Britain oo magaalada Muqdisho socdaal ku yimid.

Wasiirrada uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay xafiiska magaalada Muqdisho ayaa kala ah wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda Britain iyo Wasiirka Dowladda Britain u qaabilsan arrimaha horumarinta waxaana ay ka wada hadleen arimmo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in labada Wasiir ay ka wada hadleen arrimo ay ugu horeeyso xiriirka labada dal iyo sidii ay ay Dowladda Ingiriiska u taageeri laheyd Dowladda cusub ee ay Soomaaliya yeelatay.

Maalmihii ugu dambeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilayey wufuud ka imaaneysay dalalka caalamka gaar ahaan dowladaha sida gaarka ah saaxiibada ula ah Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook