Muqdisho(Somaalinet)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo munaasabad loogu dabbaaldegayo sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii ay dowladda Uganda xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska.
Wasiirka warfaafinta ee Uganda, Korooro Okurut oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kampala ee xarunta Uganda ayaa sheegay in madaxweynayaasha cusub ee Soomaaliya iyo Masar ay xaqiijiyeen ka qeyb galka dabbaal-degga maalinta xorriyadda Uganda oo ay madaxbanaanidooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska 09 October sanadkii 1962-dii.

Wasiirku waxa uu xusay in ilaa iyo 15 Hogaamiye oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Masar ay ka qayb galayaan munaasabadaasi kuwaasi oo kala ah Rwanda, Burundi, Tanzania, Kenya, Democratic Republic of Cong, South Sudan, Central African Republic, Benin, Malawi  iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi lagu wadaa in ay ka qayb ka galaan wakiilo ka kala socda  Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo kuwa kale oo iyana lagu casuumay maalinta xorniamda dalka Uganda.

 

 

Source: BERNAMA.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook