Muqdisho(Subulahanews)Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib shir looga hadlayey ammaanka gobolka oo uu uga qeybgalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga oo markii uu maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu ku faah faahiyey waxyaabaha shirkaasi ka dhacay Nairobi Soomaaliya ugasoo baxay waxaana uu xusay inuu shirkaasi ahaa shir muhiim u ah ammaanka iyo hormarka Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in shirkaasi si rasmi ah Soomaaliya loogu ballanqaaday in laga gacan siiyo tayeynta Ciidammada Qalabka Sida gaar ahaanna Booliiska iyo Nabad Sugidda oo la siin doono tababarro gaar ah si ay awood buuxda ugu yeeshaan sugidda ammaanka dalka.

Kulankan uu Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ugasoo qeybgalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu tayeeyo hay’adaha ammaanka.

Source radio muqdisho

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook