Burco(Subulahanews)Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa Shebekadaha wararka u xaqiijiyey in Badhasaabkii dhawaan iskii isaga casilay xilka Badhasaabnimo ee Buuhoodle Xariir Gadhweyne xukumada Somaliland ku qabtay magaalada laascaanood gudaheeda ,islamarkaana u dhaadhicisey Xabsi ku yaala magaalada gudaheeda.

 

Xogaha Qarannews ka heshay Laascaanood ayaa intaas ku daray in amarka qabashada iyo xadhiga badhaasaabkii hore ee Buhoodle Xariir Gadhweyne uu ka soo fulay xafiiska wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale oo ku eedeeyay inuu Laascaanood u yimi abaabulka dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu ku carqaladaynaayo hirgelinta heshiishkii Madaxweyne Siilaanyo la galay Saleebaan Xaglatoosiye oo haddana ku sugan Hargeysa.

 

Dhinaca kale Xaglatoosiye laftiisa ayaa xoguhu sheegayaan inuu talo ku lahaa xadhiga iyo qabashada Xariir Gadhweyne, isagoo ku shaanbadeeyay inuu wadwado kala fogeynta Dhulbahante iyo xukumada Siilaanyo oo aan beryahan danbe xidhiidh fiicani ka dhaxayn gudo iyo debedba.

 

Ku darsoo waxaa durbaba magaalada Laascaanood gudaheeda laga dareemayaa dhaqdhaqaaq iyo cadho dadweyne oo muujinaysa siday uga soo horjeedaan xadhiga xukumada siilaanyo la beegsatey Xariir Gadhweyne maadabanay jirin sabab cad oo lagu qanci karo oo loo cuskaday xadhigiisa.

 

Source Qarannews

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook