Borama(Subulahanews)Hayada SCF oo kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada ee G/Awdal ayaa manta tababar socday mudo 7 maalmood ah u soo gabagabeeyay 50 macalin oo ka socday macalimiinta Hoose iyo Dhexe ee Gobolka Awdal, tababrkan oo ay maalgalisay midawga Yurub ayaa waxa ka qayb galay xidhitaankiisii Madaxda hayada SCF, gudoonka Waxbrashada ee G/Awdal iyo Madaxda Jaamacadda Camuud ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd habka toosinta anshaxa Macalinka iyo barbaarinta ubadka.

Ugu horayntii ayaa waxa halkaasi ka hadlay madaxa tababarada ee SCF Mud. Axmed Abokor Maxamed waxana uu sheegay in tababarkani uu daba socdo tababaro dhaadheer oo la magac baxay SCOTPS oo ay jaamacaduhu bixinayeen isla markaana tababarkan oo koobani uu yahay mid anshaxa taabanaya, waxana uu yidhi “ Sida ardaygu ugu baahan yahay ansaxa toosan ayaa macalinkuna ugu baahan yahay, taasi ayaa mudadii uu tababarkan socday lagu baranayay, waxana aan ku rajo waynahay inaad ka korodhsateen macluumaad muhiim u ah, barbaarinta ardayda, diyaarinta casharka iyo kobcinta xidhiidhka uu macalinku la leeyahay Bulshada”.

Mud. Axmed Abokor waxa uu xusay in tabaradan oo hada gabo gabo ah laga korodhsaday waxbalaadhan isla markaana ay dareensan yihiin inay baahidii dhinaca tayaynta macalinka iyo guud ahaan waxbarahadu taagan tahay.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu soo dhaweeyay xidhiidhka ay la leeyihiin hayada SCF oo uu tilmaamay inuu yahay mid qoto dheer, Prof. Saleebaan waxa auu sheegay in macalinimadu ay tahay shaqo aad u balaadhan muhiimna ah isaga oo ku sifeeyay inay tahay hawshii ambiyada. Prof. Saleebaan waxa uu tilmaamay in Baruhu uu yahay midka masuulka ka ah tarbiyada Ardayga islamaraana tababarka noocan oo kale ahi uu daaran yahay ahmiyad balaadhan, waxana uu yidhi “ Macalinimadu ma aha wax lagu soo dhasho waa wax la barto, sidaas ayuu tababarkani muhiim u yahay, waxana aan ka dalban lahaa hayada SCF inay sii balaadhiso”

Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Axmed Cige Riiraash oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xusay in tababarkani uu yahay mid ahmiyad balaadhan leh waxana uu yidhi “ Barbaarinta iyo tilmaamida anshaxa macalinku waa mid muhiim ah sidaasi ayaa tababarkani u yahay muhiim, waxana aan u baahan nahay in la kordhiyo oo la gaarsiiyo macalimiinta kale ee aan fursada u helin.

Waxa Gudoomiyuhu isaga oo la dardaarmaya  macalimiinta tababrka ka qayb qaatay uu yidhi “ waan qirayaa inaad si fiican u soo xaadirteen, waxbadana ka faaiidaysateen, ku celiya waxii aad barateen dugsiyadii ubadkana si fiican u tarbiyadeeya, waxana mahad mudan eebe iyo hayada SCF oo wax badan ka qayb qaadatay tayanta waxbarashada dalka.

Tababarkan ayaa kaga duwanaa kuwii hore iyada oo ay ka faaiidayteen macalimiinta dugsiyada H/Dhexe ee G/Awdal ee galinka dambe wax dhiga.

 

 

 

SUBULAHANEWS

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook