“Saraakiisha CID-Da Ee Naloogu Diray Inay Na Baadhaan Waa Niman 20 Sano Meesha Joogay Oo Dilalka Inay Baadhaan Shaqadoodu Tahay, Hanti-Dhawrkii Shaqadiisu Ahayd Inuu Waxa La Lunsado Baadho-Na Waa Loo Diido” Aw Yuusuf.

Qasnajigii Kastamka Madaarka Hargeysa Aw- Yuusuf Maxamed Madar iyo Madaxii qeybta Diyaaraha ee Madaarka Hargeysa Maxamed Axmed Guulleed oo Labaadooduba ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada Somaliland, isla markaana mudo 9 bilood ka badan Eedo Musuq-maasuq ugu Xidhnaa Jeelka Dhexe ee Hargeysa ayaa Maxkamada gobolka Hargeysa ku amaanay Go’aankii ay Todobaadkii hore ka soo saartey Kiiskooda, ayna ugu dirtey inuu Waajibkii saarnaa ka soo guto Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo markii hore aan baadhitaan ku samaynin Lacagaha lagu eedeeyey inay Lunsadeen.

Aw Yuusuf Maxamed Madar oo ka mid ah Xubnaha Eedaha Musuqmaasuq u xidhnaa oo Shalay Jeelka ugu Waramay Wargeyska Haatuf ayaa sheegay in Xabsiga loo Taxaabay 4/12/2011, ilaa wakhtigana ay u Rumaan ahaan ugu xidhan yihiin Jeelka Hargeysa, kaas oo tibaaxay in Kiiskooda la Canda-dawlay, Sharciyadana aan la waafajinin.

Sarkaalkan ayaa Daboolka ka qaaday Arin Fadeexad ku noqonaysa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, tilmaamay-na in iyaga oo Xabsiga loogu Taxaabay Eedo Musuq Maasuq oo aamau wali ku dhicin wax Musuqmaasuq, iyada oo Kiiskooda ay Baadhitaano ku sameeyeen Hay’adda Dambi Baadhista Ciidanka Bilayska ee CID-da oo iyada shaqadeedu tahay inay Baadho Dilalka, Kufsiga iyo Dambiyada kale, balse Hay’adda Qaranka uga Wakiil ah baadhitaanada Xisaabaadka iyo Lacagta La Lunsado ay Tahay Hanti-dhawrka Qaranka oo ay 9 Bilood ka hor Dalbadeen Labadan Maxbuus mar ay Wargeyska Haatuf ugu waramayeen iyaga oo ku xidhan Xarunta CID-da lafteeda.

Sidoo kale Sarkaalka labaad ee Aw Yuusuf la Xidhan oo ahaa Madaxii qeybta Diyaaraha ee Madaarka Hargeysa Maxamed Axmed Guulleed ayaa isaguna dhiniciisa soo dhaweeyey Go’aanka Maxkamadda Gobolku arintooda ku Laashay ee ay ku dalbatey inay Eedaha loo haysto ay soo baadhaan Hantidhawrka Qaranku. Ugu horayna Maxbuus Aw Yuusuf Maxamed Madar oo arimahaa ka hadlayaa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arintayada Todobaadkan ayey Maxkamadda Gobolku Qaraar ka soo saartey, run ahaantiina Dambiga naloo haysto ama Xoriyada nalooga qaaday maaha mid aanu galnay, hadii aanu Galnay Eedihii naloo xidhay Cid Maxkamada nagaga Cadaysa ayaa la heli lahaa. Waxaanu Rumaan ahaan u xidhanahay mudo 9 Bilood ka badan oo waxa nala xidhay 4/12/2011 ayaa nala xidhay”.

Aw Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Arintayada imika waxa dib loogu Celiyey Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo markii hore la barbar mariyey, isla markaana ay Shaqadiisa ahayd markii hore, markii nala soo xidhxidhayna sida aanu Wargeyska Haatuf oo anaga oo Xarunta CID-da ku xidhan nala soo xidhiidhay aanu u sheegnay Cid arintayada baadhay ama nala xisaabtantey midina may jirin ee waa nala xidhay uun. Markii aanu nidhi waar Maxaa nalagu Haystaa ayaanu waynay Cid na qancisa oo wax cad na horkeenta, markaa ka dib waxaanu Codsanay inaanu soo qaadona Waraaqo aanu isku Difaacno mid waliba meel taalo, taasna waa nalaga diiday oo waa naloo ogolaan waayey inaanu keeno Cadaymo aanu isku difaacno. Qoladad CID-da ee hawsha baadhista loo xilsaaray Waxaanu ku nidhi Ducuments-ka aanu isku difaacayno Airport badhbaa yaala, Wasaarada badhbaa laga helayaa, Kastamkana waa laga helayaa”.

Yuusuf Maxamed Madar mar uu ka hadlayey Baadhitaanadii Kiiskooda ku Sameeyeen CID-du iyo Sharciyada halkaas ku Jabtey, waxa uu yidhi “Saraakiisha CID-da ah ee inay wax baadhaan loo xilsaaray ee naloo geeyey Niman meesha ku raagay oo mudo 20 sano ah meesha joogay oo Dilalka oo kaliya inay baadhaan shaqadoodu tahay, isla markaana aan Xisaabaad iyo wax la lunnsaday inay baadhaan aan Aqoon u lahayn, Saddexdaa Nin ee Arintayada baadhayey oo la kala yidhaahdo Daahir, Cabdi Xasan iyo Cabdi Kiin, run ahaantiina Nasiibdarooyinka ina haysta waxa ka mid ah in Anaga oo nalagu Eedaynayo Lacag in Kiiskayagii ay baadhaan rag Dil inay baadhaan loogu tala-galay, isla markaana Hanti-dhawrkii shaqadiisu ahayd inuu Eedaha Musuqmaasuq ee naloo haysto inuu baadho-na loo diido”. Yuusuf isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu halkan uga Mahadnaqaynaa Maxkamada Gobolka Hargeysa oo garatay in Arintayada Sharciyada la mariyo oo dib noogu Celisay Hantidhawrka Guud ee Qaranka, waxaanay Maxkamadu Tidhi ma hayno Sharci lagu Xukumo Nimankaas, markaa waxaanu Codanaynaa oo aanu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka codsanaynaa in Arintayada Sharciga la waafajiyo oo Dulmiga nalagu soo xidhay wax laga qabto”.

Source haatuf

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook