Warar soo baxay ayaa muujinaya in Abu Mansur Al-Amriiki oo ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab uu ka tagay dalka Soomaaliya.
Ninkan oo ah muwaadin reer Mareykan ah, laakin asal ahaan ka soo jeeda Asian ayaa ka mid ahaa ajaaniibta ka barbar dagaalama Al-Shabaab ee ku sugnaa Soomaaliya.
Waxa la sheegay in Cumar Hamaami uu diyaarad gaar ah ka raacay magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ka timid dhinaca dalka Yemen sida ay wararka deegganka laga helaayo sheegayaan.
Sidoo kale wararka waxa ay lee yihiin Abu Mansur Al-Amriiki waxa diyaarada la raacay in ka badan 10-sarkaal oo Soomaali iyo ajanabi isugu jira kuwaasoo la socday markii uu ku sugnaa Baraaawe.
Warkan kama hadlin Al-Shababa oo inta badan laga qabsaday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxa aan ka hadlin dowladda Mareykanka.
Haddii uu warkan xaqiiqo noqdo waxa hubanti ah in saraakiil badan oo ka tiran Al-Qaacida isla markaana u badnaa ajaaniib ay ka huleeleeyn dalka Soomaaliya.
Taarikhda Hammami
Waxa uu ku soo barbaaray deegganka Daphne, ee gobalka Alabama dalka Mareykanka halkaasoo dugsiga sare kaga qalin jabiyay Daphne High School.
Aabihiis waa reer Syria isla markaana ah Muslim ah hooyadiis waa Mareykan ka soo jeeda Irish
Ka timid Southern Baptist
Waxa uu qabaa gabar Soomaali Canadian ah, taasoo uu guursaday mar uu tagay sannadkii 2004-tii dalkaas.
Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab isla markaana ka tirsanaa Al-Qaacida, waxa uu gacan ka siin jiray Al-Shabaab soo xera gallinta ajaaniibta ka barbar dagaalama kooxdaas oo xiir la leh Al-Qaacida.
Source Boocame Online
