Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goordhow magacaabbay Ra’isul Wasaaraha mudada laga sugayay isagoo xilkaas udoortay Cabdi Faarax Garaad oo ku magac dheer (Saacid ).
Ra’isul Wasaaraha cusub ayaa waxaa uu ku dhashay duleedka Magaaladda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana uu ka soo jeedaa beesha Sade “Mareexaan” , reer Diini, ( reer dalal), waxayna qoys ahaan aad isu dhawyihiin R/wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo
Waxaa udhaxda Mid kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waana Caasha Xaaji Cilmi oo kasoo jeeda beelaha Hawiye gaar ahaan Habar Gidir.
Saacid Faarax Garaad, wuxuu 21-kii sano ee lasoo dhaafey daganaa magalaada Nairobi halkaas oo uu ku lahaa ganacsi balaaran, isagoo sidoo kalena maamuli jirey NGO la magac baxay Saacid oo qandaraasyo ka qaadan jirey xafiisyada hay’adaha UN-ka ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Mr. Garaad waxaa una ka baxay Jaamacadii Umadda, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa la tilmamayaa inuu yahay Saacid nin xiriir dhow la leh labada dowladood ee ugu saameynta badan xiligan arimaha Soomaaliya faraha kula jira ee Itoobiya iyo kenya, meeshana lagama saari karo in ay dowr wayn ku lahayeen soo magacaabistiisa.
Waxaa uu dhawaan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uu kaga dhawaaqay Urur ama xisbi lagu magacaabo Rajo, iyadoona uu marar badan kahadlay Xaaladda Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Garaad waxa uu leeyaha 4 Caruur ah iyo Hal Xaas.
Taariikhdiisa oo Dhameytiran Dib ayaan idinkaga soo Gudbin Doonaa Insha’allaah.
Source
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Marqaannews Muqdisho
