Muqdisho (Somaalinet) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ku dhawaaqay wasiirka koowaad ee xukuumada dalka hogaamin doonta mudada uu soo socota.
Madaxweynaha oo gordhow shir jaraa’id ka hadlay gudaha madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay in “Cabdi Faarax Shirdoon Garaad” oo ku magacdheer “Saacid” uu yahay raysul wasaaraha dalka.
Madaxweynuhu wuxuu u rajeeyay raysul wasaaraha cusub inuu ku guuleysto dhismaha xukuumad tayo leh uuna dalka ka samatabixiyo marxalad adag ee uu ku jiro.
Waxaa xafladan lagu dhawaaqay raysul wasaaraha goobjoog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka dalka.
Haddaba waa kuma raysul wasaaraha cusub? goordhow la soco Raxanreeb taariikhda raysul wasaare Shirdoon.
