Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa noqotay magaaladii Ugu horaysay ku taala Gobollada waqoowi ee laga soo dhoweeyo ra.iisul wasaaraha Cusub ee soomaaliya Cabdi faarax shir-doon (Saacid) dadwayne aad u fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan bulshada ayaa maanta isugu soo baxay Garoonka kubada cagta ee xabado ee magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka khaatumo oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka jaaliyasdaha iyo xiriirka caalamiga ah axmed Cali Jaamac iyo agaasimaha wasaarada arrimaha gudaha ee maamulka khaatumo State Of Somaliya Maxamuud Shiikh Cumar Xasan iyo Duqa Drgmada Buuhoodle ee maamulka khaatumo CabdCasiis Ducaale Qambi ayaa dadkaasi la hadlay waxaana ay soo dhoweeyeen Go.aanka madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu kusuoo magacaabay DR Saacid.

Guud ahaan dadkii madashaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay madaxda Cusub ee dalka soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii dalku uu uga soo kaban lahaa dhibaatadii uu kusoo jiray labaatankii sane ee lasoo dhaafay.

Tan iyo intii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) waxaa isasoo taraya soo dhaweynta iyo taageerrada loo jeedinayo Ra’isulwasaaraha cusub. 

 

 

 

 

 

 

 

 

Source radio muqdisho

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook