Hargaysa(Somaalinet)Dhul cabirkiisu yahay 200M X 200M oo ku yaala magaalada Berbera oo ay leeyihiin qoys danyara oo reer Berbera,islamarkaana haysta sharcigii lahaanshaha dhulka ayaa Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Cabdalla Sandheere) hadiyad u siiyey Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris Maxamed Jirde muddo bil ku dhawaada ka hora, ka dib markii Aamina Weris gudoonsiisay Jaa’isad ama abaalmarin ay ku sheegtay inuu ku mutaysatay shaqo wanaag Maayarka Berbera Cabdala Sandheere inkastoo bulshoweynta reer Berbera citiqaadsan yihiin in Cabdalle Sandheere yahay Aabaha boobka iyo musuqa Saaxil.

Dhulkan oo markii hore cabirkiisu ahaa 100M X100M oo ay lahayd Hooyo Cudbi Cige Cali ayaa hadda la kordhiyey oo wadooyinkii hareeraha ka mari jiray lagu durkay, lagana dhigay 200M X 200M Square, mulkiyadiisana si toosa loogu qoray,looguna wareejiyey Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris Jirde.

Hooyada qoyska leh dhulkan oo ay weheliyaan sadex caruuraa oo ay dhashay ayaa hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee Berbera ka dib markii ay Cabdalla Sandheere ,Ramaax  iyo xoghayaha dawlada hoose ee Berbera Cali Gadh-dheer iska kaashadeen xadhigeeda,si wadajirana ugu eedeyeen inay ay carqaladaysay dhismaha sees dawlada hoose ee Berbera u dhisayso Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris balse waxay hooyadan la xidhay ku doodaysaa inay ka  war heshay dhulkeedii oo dhismo sees lagu bilaabay askarna la dul dhigay.

Laba Gabdhood oo ay ehel iyo xigaalba yihiin Hooyada xidhan Cudbi Cige oo Maayarka Berbera xabsiga u taxaabay oo Shebekada Qarannews Telefoon kula soo xidhiidhay ayaa sheegtay inay Cudbi Cige ka war heshay dhulkeedii oo lagu rogay dhagax iyo ciid faro badan goor habeena,islamarkaana la dhex dhigay booyado biyo ah, seesna laga bilaabayy balse markii ay Cudbi afka gacanta gelisay, iskuna dayday inay hawshan baajiso ayaa Maayar Cabdale ku dalbaday ciidan hore loogu diyaariyey kuwaas oo sida gabadhahaasi noo sheegeen Saldhiga Dhexe ee Berbera u dhaadhiciyey. 

Dhinaca kale dhulkan Maayar Cabdalla ka qaaday hooyo Cudbi Cige dhawaan, siiyeyna Marwada Madaxweyne Siilaanyo ayaa la xaqiijiyey in kharashka ku baxaaya seeska iyo dhismahaba ay bixinayso dawlada hoose ee Berbera,qandaraasna uu  ku bixiyey Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Sandhere),markuu dhameeyana ku wareejin doona marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris

Sida qoyska hooyada xidhan Cudbi noo sheegeen markii ay ka war heleen in dhulkoodii Maayar Cabdala hadiyad u siiyey Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris Maxamed Jirde ayey codsadeen in haddii Maayar Cabdale Sandheere ka fursan waayey in marwada loo boobo dhulkoodii in la siiyo bedelkiisa balse Maayar Cabdalla Sandheere wuxuu ugu abaalguday inay xabsiga Qarmacda ku cunaan.

Ku darsoo Marwada Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan dhul ku yaala Shacabka Hargeysa, ka soo horjeedka wasaarada Qoyska iyo arimaha bulshada oo qaxooti Oroma ahi deganaayeen iibsatey, kuna diiwaan gelisay magaca mid ka mid ah inamaday dhashey halkaas oo markii ay isku dayday inay sees dhismo ka bilowdo iska hor imaad ba’ani ku dhexmaray Qaxooti Oromo ah oo halkaas muddo dheer degaanaa iyo ciidamada Booliiska Somaliland,waxaana iskudhacaasi sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba,waxaana halkaas ku dhaawacmay lix askari oo booliisa markii faashash iyo midiyo lagala hortegay Booliiska oo istcimaalayey Rasaas nool. 

Isku soo wada duuboo Khubarada falanqeysa arimaha musuqmaasuqa ka jira Somaliland ayaa Qoyska Madaxtooyada ama Qoyska Madaxweyne Siilaanyo ku shaabadeeyey inay  beryahan danbe ku milmeen,qeybna ka noqdeen musuqmaasuq baahsan oo si badheedha oo aan gabasho lahayn ugu socda gudaha Somaliland.Dhinaca kale Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Weris ayaa la sheegaa inay hantidii qaranka guryo nooca raaxada ah kaga iibsatey dalka Kenya iyo wadanka UK intii Madaxweyne Siilaanyo Qasriga madaxtooyada dhex yuururay, iminkana ka wado dhul boob xawli sare ku socda magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Source

Qarannews

Hargeysa

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=14539&Itemid=62

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook