Haragaysa(Somaalinet)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horeysay tan iyo mudadii uu taladda dalka la wareegay kulan fool ka fool ah oo ku aadan waxqabadkii xukuumadiisa la yeeshay Golihiisa Wasiirada. Kulankaas oo sida uu qorshuhu yahay socon doona Muddo Saddex Maalmood ah, ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka, Wasiiro iyo waliba qaar ka mid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha, waxaanu Kulankaas Qiimaynta ahi shalay ka furmay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa.
Sidoo kale Mudada uu socon doono Kulamaddaasi ayaa waxa warbixin lagaga dhagaysan doonaa Wasiiradda iyo waliba masuuliyiinta hay’addaha muhiimka ahi, wixii ay qabteen sanadkii ugu dambeeyay. Dhinaca kale Shirkaas Saddexda Caano-maal ka socon doona Xarunta Madaxtooyadda ayaa la filayaa in lagu Naaqishi doono Dhaliilaha xukuumadda looga soo jeediyo dhinacyada Waxqabadka, isla markaana waxa la sheegay in lagu soo qaadi doono sidii Xisbul Xaakimka dalka ee Kulmiye ay Golaha Wasiirada ee Xukuumadu Taageero buuxda ugaga raadin lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan si uu uga soo gudbo Tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka ee la filayo inay dhawaan dalka ka qabsoonto.
