Hargaysa(Somaalinet)Waxa Dhawaan lagu yagleelay Magaalada Copenhagen oo ah dalka Denmark Urur cusub oo la yidhaahdo Somali Fair Fishing, Ururka oo ah mid loogu talagalay in lagu Casiriyeeyo Kaluumaysiga Xeebaha Somaliland ayaa waxa ku bahoobay Khubaro Danish ah oo ku xeel-dheer arimha Kaluumaysiga.

Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa lagu qeexay in Xeebaha Somaliland ay ka mid yihiin meelaha dunida laga helo Kaluunka ugu tayada wanaagsan uguna tirada badan, sidaa awgeed waxa muhiim noqotay in laga faa’idaysto khayraadka badda ee laga helo Xeebahaa Somaliland loogana faa’deeyo dadka ku dhaqn Geeska Afrika.

Ururka Somali Fishing waxa uu si dhakhso u bilaabayaa Mashruuc kaluumiyaysi oo uu ugu magac dara The Hanstholm model1, Muddo 2 sano oo ka bilaabmaya badhtamaha 2013-ka ayaa waxa lagu hawlgalinayaa 15 Doonyood oo noqon doona kuwa lagu soo jilaabo Kaluunka iyo 75 qof oo la siin doon tababaro kaluumaysi oo casri ah, waxa la rajaynayaa in la soo qabto 400 oo ton oo kaluun ah. Xudunta Mashruuco waxa ay noqon doontaa Magaalada Berbera, dhamaan shaqaalaha kaluumaysigu iyo Mulkiilayaasha Doonyuhuba waxa noqon doonaa Muwaadiinta xeebaha Somaliland ku dhaqn.

Dhaqaalaha ku baxayaa Mashruuca waxa iska-kaashanaaya Ha’yadaha Mucaawinada bixIya kuwaas oo ka soo kala jeeda Denmark iyo Maraykan ilaa iyo iminka Miisaaniyada Ururku waxa ay cagacagaynaysaa USD 1.353.000. Gudoomiyaha Ururka oo layidhaahdo Knud Vilby iyo ku-xigeenkiisa Mahad faarah Aaden oo ah Somalilander ku sita Auditing-ka Shahaadada Phd ayaa ku niyadsan in Ururkani uu hirgalin doono Mashaariic dalka (Somaliland) iyo Dadkiisaba.

source somaliland.org

Cismaan Cabdilaahi Sool
Hargeysa

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook