Muqdisho(Somaalinet)R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon’’Saacid’’ ayaa ballan qaaday in uu soo dhisidoono xukuumad dhinac iska dhigidoonta khilaafkii ragaadiyay xukuumadihii hore.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo gelinkii dambe ee shalay ka hadlay Munaasabaddi lagu magacaabay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisidoono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatada adag ee dalka ka taagan.

‘’waxaan ballanqaadayaa in aan soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda horumar,  anigoo la tashanaya madaxweynaha iyo mudanayaasha Baarlamanka, umana dulqaadandoono musuqmaasuq, waxaana dhinac iska dhigidoonaa khilaafkii ragaadiyay xukuumadihii hore’’ ayuu yiri R/wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

R/wasaare Saacid ayaa noqonaya R/wasaarihii ugu horreeyay ee hoggaamiya Xukuumad aan KMG aheyn muddo Labaatan sano ah kadib.

 

 Source: SONNA
ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook