London(Somaalinet)Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa la sheegay inay silic iyo saxariir ay ku heysato oo ayna ku dhibaateysan yihiin magaalada Amsterdam ee dalkaas Holland ka dib markii Soomaalidaas dibada la soo dhigey oo loo sheegay inaan la siineynin wax sharci ah oo ayna ku noqdaan dalkooda taas oo keentay inay Soomaalidaas ay ku noolaadaan teendhooyin ay dhisteen

HOOS KA DAAWO(VIDEO)

 

Soomaalidaan oo mudo todabaad ah ku nool teendhooyin ay ka dhisteen halka loo yaqaan Osdorp oo ku taal magaalada Amsterdam ayaa waxaa la sheegay in la soo dhigey banaanka oo loo sheegay inaan la siineynin wax sharci ah oo ayna dib ugu noqdaan dalkooda, Laakiin Soomaalidaan ayaa waxay sheegeen inaysan waqtigaan xaadirka ah aysan ku noqon karin dalkooda daruufo jira awgood, sidaas awgeedna ay danta ku qasbeyso inay banaankaas dhigtaan teendhooyinkaas maadaama aysan garaneynin meel kale oo ay afka saaraan maadaama laga soo saarey xerooyinkii ay ku jireen oo sheegay inay dalka ka baxaan, Soomaalidaas ayaa waxaa teendhooyinkaas ay ku nool yihiin ku heysta dhibaato ay ka mid yihiin jiif xumo qaboow, dabeyl iyo roobab joogto ah Duqa magaalada Amsterdam Eberhard van der Laan oo dhawaantaan soo booqday teendhooyinkaas ay Soomaalidaas dhigteen ayaa sheegay inaan ilaa iyo hada la qaadi doonin laakiinse ay il gaar ah ku eegi doonaan haddii ay sii bataan dadka ku jira teendhooyinkaas, asagoona sidoo kale sharuud ka dhigey inay halkaas ka baxaan dumarka uurka leh iyo caruurta yar yar, Qaxootigaan oo tiradooda lagu qiyaasay inay ku dhow yihiin kontameeyo ayaa Soomaalida ka sukow waxaa kale oo halkaas ku weheliya qaxooti ka kala yimid wadamada Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea.

 

Ugu dambeyntiina iyadoo qaxootigaas ay ku nool yihiin nolol adag oo ayna jiifaam qabow iyo dabayl islamarkaana ay halkaas ku heyso raashin xumo ayaa sidoo kale waxaa halkaas ku heyso musqul la’aan taas oo ay qaxootigaas isticmaalaan waxyaabo ay ayagu farsmeysteen, dadka deegaanka oo ay qaar arintaas dhibsadeen ayaa qaxootigaas waxay la soo gaaraan cunto, dhar iyo waxyaabo kale oo ay u baahan yihiin, Laakiin sida uu sheegay wasiirka qaxootiga ee dalka Holland Gerd Leers inay qaxootigaas Soomaaliyeed ay ayagu doorteen inay ku noolaadaan xaalaadaas adag asagoo sidoo kalena sheegay inay Soomaalidaas ay mar walba isku dayayaan inay ka hor yimaadaan go’aanka ay gaarto wasaarada cadaaladu taasna aysan ahayn mid la aqbali karo, Dowlada hoose ee magaalada Amsterdam ayaa waxay halkaas ka qaaday oo ay geysay xero qaxooti ah hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda caruur, qaxootigaan Soomaalida ayaan wali la ogeyn waxay xaaladoodu ku dambeyn doonto iyadoo isku day ay marar hore u sameeyeen qaxooti Soomaaliyeed sidaan oo kale aysan wax natiijo ah oo wax lagu gaarey aysan ka soo bixin.

 

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

 

Source: dayniile.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook