Hargaysa(Subulahanews)kulan ay shalay ku yeesheen Xarunta Akadaimyadda Nabada iyo Horumarka Somaliland Ururadda Siyaasadda, Axsaabta Qaran, Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Guudidda Nabadgelyadda, Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda ayaa lagaga dooday Qoddobak Lixaad ee Xeerka Doorshooyinka Somaliland Xeer No: 14, kaasoo ay Dood adagi ka taagmayd qaabka look ala saarayo Natiijadda Doorashada ka soo baxda.

Kulankan oo ay Dood adagi ku dhex martay Xubnihii ka soo qayb galay waxa ay Ilo wareedyo kala duwan oo nooga waramay sheegeen in lagu kala jabay markii ugu horaysayba Nuxurka uu qoddobkaasi Xambaarsan yahay oo u dhigan  sidan:-

Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya
doorashada deegaanka

1.     Sadexda Xisbi/urur ee
Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo
aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi

2.     Haddii hal Xisbi/Urur
oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta
Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu
geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.

3.     Haddii ay is leekaato
tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa
sida ay u kala bataan tirade Guud ee Codadka.

4.     Haddii Ururada

Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran
Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda
Dalka.

5.     Tobankii sanadood ba
mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa
in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo
Doorashada Golayaasha deegaanka.

Tusaale ahaan waxa dareen Taban ka muujiyay qoddobadan Xisbiga Kulmiye, Dalsan iyo Ucid oo laba xubnood oo ka joogay ku kala aragti duwanaayeen, halka Wadani, Ummadda, Rays iyo Xaq-soor-na ay Aragti Togan ka muujinayeen qaabka Nuxur ahaan uu u yaalo qoddobkan ka hadlaya qaabka loo kala saarayo Sadexda Xisbi/Urur ee ugu cod bata, hase yeeshee waxa la sheegay markii danbe in ay Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasaddu soo bandhigeen qorshe cad oo Mugdiga ka saaraya Qodobkaasi, kaasoo ay ku wada qanceen dhamaan Ururadii iyo Axsaabtii Siyaasadduba.

Ugu danbyantiina waxa la isla qaatay in Guddida Diiwaangelintu soo diyaariso Heshiis rasmi ah oo ay dhinacyadda oo dhami wada saxeexaan isla markaana ay Saxeexaan Hogaanadda Ururada iyo Axsaabtu, kaasoo ku qabsoomi doona Hotelka Maansoor maalinta Salaasadda.

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook