Hargaysa(Subulahanews)Ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland ayaa maanta heshiis la saxeexday Guddida diwaangalinta ururada iyo ansixinta axsaabta Qaranka, kaasi oo ka duulaya sida hadhow loo kala saarayo ururada doorashada golayaasha deegaanka galla.
Ururada iyo axsaabta siyaasada ayaa guddida diwaangalinta la saxeexday xeer 14, oo ah ka lagu kala saarayo ururada marka doorashada la gallo, waxaa alagu heshiiyey in ururada ama xisbi kasta uu gobolada dalka ka helo codad.
Nuxurka heshiiska ayaa ah in ururka ama xisbiga gobolada dalka badhkood codad badan ka hela, gobolada qaarna cod ka waaya aan loo aqoonsanayn xisbi qaran, balse ururka ama xisbiga loo aqoonsanayo xisbi siyaasadeed Qaran uu yahay ka dalka oo dhan ka hela codad, iyadda oo lagu kala saari doono hadba sida ay u kala cod bataan.
Guddoomiyaha guddida diwaangalinta Cabdirisaaq Ciyaalle oo sharaxaya nuxurka heshiiska ayaa yidhi “Waxa la dooranayaa waa 379 Mudane (Urur/xisbi kasya), suurto-galna ma noqonayso nin saddex ama laba gobol cod badan ka helay uu xisbi qaran noqdo, kii dalka oo dhan ka shaqeystay ee xildhibaanada ka soo helay dalka oo dhana aanu noqon mid hadhay”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Markaa qodobka ugu horeeya ee xeerka oo sheegaya inuu gobolka kasta xisbigu ka helo 20% ayaa xeerka hogaaminaya, xisbiguna waxa uu ku soo baxayaa shaqada uu shaqeystay, 20%-kana waxa gooyey codka gobolka uu ka helayo”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa si aanu u iman muran kale xeerkii oo siddiisa ah inuu qofkii ogaado inuu saxeexay, si uu bari isku yidhaahdo way ku qabanayaan haddii aad dadka si kale ugu waranto”
Heshiiskan oo ay soo dhaweeyeen ururada iyo axsaabta siyaasadu ayaa si cad u qeexaya in urur ama xisbi kasta looga baahan yahay inuu codad ka helo gobolada dalka, codadka uu helana lagu qiimaynayo kaalinta uu ka galayo axsaabta qaranka ee soo baxaya, balse ururka ama xisbiga aan cod ka helin gobol ka mid ah gobolada dalka isaga oo kuwa kale ka helay aanu soo baxaynin.
Qodobka heshiiska laga gaadhay Ayaa Kala Ahaa:
Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada deegaanka
1. Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo
aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi
2. Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta
Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu
geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.
3. Haddii ay is leekaato tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala bataan tirade Guud ee Codadka.
4. Haddii Ururada Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda
Dalka.
5. Tobankii sanadood ba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo Doorashada Golayaasha deegaanka.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND
xuquuqda Videoga waxa iska Somali Channel.

